Somaliland: “Luqada aynu kula hadlayno (Somaliya) waa in ay ku dheehantahay asluubta diblomaasiyadeed”

Wasiirkii hore ee shaqada iyo arrimaha bulshada Dr. Cabdi Aw Daahir ayaa soo jeediyay in dawlada federaalka Somaliya loola dhaqmo sidii laba dal oo kala madaxbanaan.

Dr. Cabdi Aw Daahir waxaa uu tilmaamay in dawlada Somaliland ay ka go’day Somaliya islamarkaana ay tahay inuu u jawaabo wasiirka arrimaha dibada Somaliland marka ay hadalo ka yimaadaan ama loo baahdo cid u  jawaabta.

“Waxaanse soo jeedin lahaa qodobadan soo socda:1. Marka ay noqoto arrimaha qadiyadda Gooni isutaaga Somaliland waa in ay noqoto mid aan gorgortan lahayn sidaynu yeelnay.

  1. In luqadda aynu kula hadlaynaa ay mawqif ahaan iyo siyaasad ahaan tahay mid adag, balse ay ku dheehantahay asluubta diblomaasiyadeed ee xidhiidhka caalamiga ah. Inaguna noqon mid firkanax ah
  2. Bacdamaa aynu nahay laba dal oo kala madaxbanaan Xidhiidhkeena wada hadal (channel of communication ) ee Dawladda Somalia waa inuu noqdaa WASAARADDA ARRIMAHA DEBADDA oo KELIYA. Kolba heerka ay joogto Agaasime , afhayeenka Wasaaradda arrimaha debedda , amaba Wasiirka Arrimaha debedda marka loo baahdo.”

Mudane Cabdi Aw Daahir waxaa  kale oo uu bogaadiyey mawqifka xukuumadu ka qaadatay qadiyada Somaliland“Waxaan ku bogaadinayaa Xukuumadda ,Axsaabta iyo Shacabka Somaliland mawqifka ay iska taageen arrinka qadiyadda Somaliland, gaar ahaan Doodihii adkaa ee maalmahan dambe ina Dhexmaraayay inaga iyo dawladda dalka aynu jaarka nahay ee Somalia.”ayuu yidhi Cabdi Aw Daahir Qoraal uu ku baahiyey barta ay bulshadu ku wada xidhiidho ee Facebooga.

Comments

comments