Somaliland: Odayaasha Buuhoodle Oo Ku Dhawaaqay Hadal Dhirbaaxo Ku Ah Cali Khaliif Galaydh

Date:

Odayaasha iyo cuqaasha gobalka Buuhoodle ayaa si adag uga horyimid baaq colaadeed oo uu Cali Khaliif Galaydh, baahiyay kaas oo ahaa inuu dhici doono dagaal uu ugu yeedhay “Umulo doox.”

Odayaasha oo shirjaraa’id ku qabtay Buuhoodle, waxay sheegeen inay iyagu yihiin cidda ay talada deegaanka Buuhoodle ka go’do islamarkaana aanay cidna colaad ugu baaqeen balse ay taas cakiskeed ku baaqayaan nabad, “Waxaanu dhammaan dadka warkani khuseeyo u sheegaynaa gobalka Buuhoodle haddii aanu nahay inaanu dadka deriska nala ah ugu baaqayno nabadgelyo; nabad ayaanu u baahanahay, dadka deriska nala ahna taas ayaanu ugu baaqaynaa.” sidaas waxa yidhi mid ka mid ah cuqaasha Buuhoodle.

Caaqil kale, ayaa isna yihi “Waxaanu nahay cuqaashii iyo isimadii, waxaanan ka tashanay dan iyo nabad, cid kasta dadka deriska nala ah waxaanu ugu baaqaynaa nabad. Odayaashan ayay taladu ka go’daa sidaas ay nabadda ugu baaqeen ayay taladeeduna uga go’daa, isimadii way maqanyihiin anuunbaa ka jooga. Cid colaad ka hurinaysaana ma jirto,”

Oday kale ayaa sheegay in dadka reer Buuhoodle ay colaadi soo daashatay islamarkaana ay hadda diyaar u yihiin nabadgelyo iyo wax wada qabsi, “Dhibaato hore ayay noo soo daahatay oo in badan ayaanu colaad ku soo jirnay, colaadana ilaa ina cabdile xasan ayaanu ku soo jirnay, nabad ayaau maanta ku baaqaynaa.”

Hadalkan odayaasha ayaa jawaab u ah dhiilada colaadeed ee uu Cali Khaliif toddobaadkan kaga dhawaaqay isla magaalada Buuhoodle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...