“Madaxweynaha Iyo Guddoomiyaha KULMIYE Waa Mujaahidiin SNM Ah Waxaanse Rumaysanahay In Maalintii Hub Ka Dhigista Aynu Maanta Uga Baahi Badanahay Nabadgelyo”…Gudd. Cirro
Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa hadalo duur-xul siyaasadeed ah u laqimay Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Guddoomiyaha KULMIYE Mujaaahid Muuse Biixi Cabdi oo uu hab kaftan ah ugu gudbiyey in xaaladda nabad gelyo ee Somaliland maanta uga baahi badan tahay maalintii Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Faarax iyo Madaxweyne Cigaal qarameeyeen guutadii ugu horraysay ee SNM ah ee hubka laga dhigo lana qarameeyo maalintaasi oo ku beegnayd 1-dii Bisha February sannadkii 1994.
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI waxa uu farriintan u diray Madaxweyne Siilaanyo oo safar ku maraya Gobolka Togdheer iyo Muuse Biixi oo ku sugnaa madashii xuska ee Guddoomiye Cirro ka hadlayay waxaanu Guddoomiyaha WADDANI Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi kula dardaarmay in ay nabad gelyada ilaaliyaan.
Guddoomiye Cirro oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Mujaahidiintii Dalka u soo halgamay dhammaantood wixii dhintayna Ilaahay SWT ha u naxariisto wixii noolna sharaf iyo karaamo ilaahay haku nooleeyo abaal weyn bay innagu leeyihiine. Maanta waxa aynu halkan ku xusaynaa Suldaan Maxamed iyo Madaxweyne Cigaal Ilaahay labadoodaba ha u naxariistee iyo doorkii hub ka dhigista.
Waxa kale oo aan xusaynaa guutooyinkii maalintaasi biladda qaatay ee hubkoodii ugu horreeyey dhigay ee qaramoobay ee bilaabay dhismaha ciidanka qaranka. Kelmad kali ah ayaan kaga baxayayaa oo ah Madaxweyanheenu Axmed Siilaanyo waa Mujaahid waa SNM-tii,
Guddoomiyaha KULMIYE-na Waa Mujaahid. Waxa ii muuqda Somaliland Baahidaa Madaxweyne Cigaal Arkayay ee nabadda ahayd ee dhammaan maalintaa la arkayay ee ahayd nabadgelyada, waxaan arkaa in aynu maanta uga baahi badanahay nabadgelyadii. Markaa Mujaahidiinta waxaan ka codsan lahaa sidii ay maalintaasi u ilaalinayeen nabadgelyada in ay maantana u ilaalinayaan nabadgelyada” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.