Somaliland: Dawladda Somaliya Oo Xayirtay Diyaaradaha U Kala Duula Hargeysa Iyo Muqdisho Iyo Sababta Oo Ay Sheegtay

Date:

Dawladda Somaliya ayaa si rasmi ah u joojisay diyaaradaha ka taga Hargeysa, caasimadda Somaliland ee taga magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya.

 

Warqad amar ah oo uu soo saaray agaasimaha hoggaanka socdaalka iyo jinsiyada Somaliya Cabdillaahi Gaafow Maxamuud oo ku taariikhaysan 30 January 2016, laguna socodsiiyay shirkadaha diyaaradaha ee garoonka Muqdisho, wuxuu ku sheegay in marka la gaadho 22 February 2016 si rasmi ah loo joojin doono duulimaadyadaas.

Warqadaas oo uu wargane helay nuqul ka mid ah waxa ay u dhignayd sidan, “Dhamaan Shirkadaha diyaaradaha isaga kala goosha Hargeysa iyo Muqdisho, waxaa is xushmad leh loola socodsiinayaa in la joojiyay duulimaadyadii ay ku tagi jireen Gobolada Waqooyi Bari ee Hargeysa.

Kadib, markii aanu aragnay in dadka lagu qasbaayo Go Home, lacgna laga qaadayo, taas oo keeni karta aamin darro. Hadaba, laga bilaabo taariikhdu markay tahay  22/02/2016, waxaa si ku meel gaadh ah loo joojiyay duulimaadyada ka dega Hargeysa, ilaa inta Dawladda Federaalka Soomaaliy ay ka xalinayso.

Sidaa awgeed, waxaa dhamaan shirkadaha ay khusayso warqadani laga rajaynayaa in ay sida tahay u fuliyaan.”

Talaabadan ayaa daba socota talaabadii ay dawladda Somaliland dadka Somaliya  ku amartay inay ku socdaalaan dhukumenti sharci ah oo socdaal marka ay u kala safrayaan Hargeysa iyo Muqdisho, halka ay dadka reer Somaliland ku amartay inay iyaguna magaalada Muqdisho ee Somaliya ku tegi karaan sharci socdaal, talaabooyinkaas oo dawladda Somaliya ka cadhaysiiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...