Shirka Midowga Afrika oo ka furmay Addis-ababa & Madaxweynaha Kenya oo codsaday in wax laga beddelo habka ay u hawl-galaan Ciidammada AMISOM

Date:

Shirka Sanadlaha ah ee Ururka Midowga Afrika ayaa si rasmi ah Shalay uga furmay xaruntiisa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo qodobada horyaalla ay ka mid yihiin colaadaha ka aloosan qaar dalalka Qaaradda Afrika iyo Arrimaha Bani’aadamnimada.

Kulankan ayaa waxaa Rasmi ahaan u furay Madaxweynaha Zimbabwe, Robert Mugabe oo ah Guddoomiyaha Midowga Afrika, kaasoo banneynaya xilka madaxa ururka ee Qaaradda Afrika.

Furitaanka Shirka ayaa waxaa hadashay, Guddoomiyaha guddiga sare ee ururka Midowga Afrika, Dr. Dlamini Zuma oo u Tacsiyeysay Askar ka mi dah kuwa Nabad-ilaalinta ee Afrika oo dhintay iyagoo shaqo ku jira, sida kuwii Kenya ee Al-shabaab laysay.

Sidoo kale, Dlamini Zuma ayaa soo dhaweysay Hoggaamiyeyaasha cusub ee Waddamada Qaaradda Afrika sida Madaxweynaha Tanzania, Magafuli oo xilkaas loo doortay dhawaan.

Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki Moon ayaa khudbaddiisii ugu Dambeysay ayaa shirkaan ka jeediyay; isagoo ku boorriyay Madaxda Qaaradda Afrika inay ka shaqeeyaan sidii ay u gaadhsiin lahaayeen Qaaradda horumar dhan walba ah.

Ban Ki-Moon oo ka hadlay xaalada guud ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM], kuwaasoo uu xusay inay howsha ugu weyn ee ay hayaan ay tahay sidii Soomaaliya ay ugu soo celin lahaayeen xasillooni & Nabad waarta.

Dhanka kale, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa tilmaamay in lagu soo oogay dacwadda Madaxweynihii hore ee Wadanka Jaad, Xuseen Habre ay Tusaale u tahay heerka Xuquuqda Aadanaha ee Qaaradda Afrika.

Isagoo dhanka kale uu soo dhaweeyay in xubno ka shaqeeya Xuquuqda Aadanaha loo diro dalka Burundi, iyadoo Madaxweynaha dalkaasi aan lasoo hadal-qaadin; lamana oga inuu ka qaybgalayo shirka iyo in kale.

Qiyaastii 17-dal oo Afrikaan ah ayaa Sanadkaan doorasho galaya, wuxuuna Ban Ki Moon ugu baaqay madaxda dalalkaas inayna qalalaase abuurin si waqtiga ay xilka hayaan u korodhsadaan.

Dhanka kale, Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa weydistay Golaha Ammaanka iyo Nabad-galyada Midowga Afrika in dib u eegis lagu sameeyo Hawl-galka ciidanka AMISOM ee Somalia, isla markaana wax laga beddelo Xeerarka ay ku hawl-galaan si ay ula dagaalamaan kooxaha argagaxisada ah ee Soomaaliya.

Kenyatta ayaa ku baaqay in Ciidamada AMISOM la siiyo Awoodo dheeraad ah oo dhulka, Cirka iyo Badda ah, isagoo xusay in Awooddaas ay u sahli doonaan ciidamada Somalia ku sugan inay ka hortagaan wax walba oo dhaqdhaqaaq ah oo ay argagaxisadu doonayso inay sameeyaan.

Hadalkaan ayuu Madaxweynaha Kenya ka jeediyay Shirka Golaha Ammaanka iyo Nabad-galyada ee ururka Midowga Afrika ee Addis Ababa ka socda, wuxuuna hadalkiisa ku daray in inkastoo ciidamada AMISOM ay guulo la taaban karo gaadheen, haddana la joogo xilligii la dhisi lahaa ciidamada Somalia, si ay awood ugu yeeshaan inay Argagaxisada ka saaraan dhulalka ay joogaan si ay dowladda u hoos-keenayaan.

“Ujeeddadu waxay ahayd in dowladda federaalka Somalia laga taageero sidii uu dhulka oo dhan gacanteeda u soo geli lahaa sannadkii 2015-kii, laakiin, arrintaas weli laguma guuleysan. Marka waxaa loo baahan yahay in Hawl-galka ciidanka AMISOM wax laga beddelo,” ayuu yidhi Uhuru Kenyatta. Isagoo sii hadlaya ayuu Kenyatta intaas ku daray. “Si ujeeddooyinka AMSIOM ay u joogto Somalia loo gaadho, Waxaa loo baahan yahay in dib loo eego Hawl-galka wax laga beddelo si howlgalladooda wax uga beddelaan.”

Uhuru Kenyatta ayaa wuxuu intaas ku daray in Argagaxisadu ay qaababkii ay u dagaallami jireen ay wax ka beddeleen, sidoo kalena loo baahan yahay in wax laga beddelo Hawlgallada ka socda Somalia si ciidamada AMISOM ay horay ugu socdaan, “Si kooxahaas loola Dagaallamo, waa inaanu dhammaanteed sii wadnaa hawlgallada looga hortagayo cadowga, meel walba oo laga heli karnana aan ku beegsannaa,” ayuu Hadalkiisa ku daray madaxweyne Kenyatta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...