Somaliya: Madaxweynaha Soomaaliya oo Nairobi lagaga qaaday Sawir ay Su’aalo ka dhasheen & Aragtida Sheekh Maxamed Idiris

Date:

Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Maraykanka, ayaa ka dareen celiyey Sawir laga soo qaaday Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo isagoo ku sugan Magaalada Nairobi u rukuucaya taallo lagu maamusayey Askar Kenyaan ah oo Al-shabaab ku laysay deegaanka Ceel-cadde ee Soomaaliya.
Madaxwaynaha, ayaa ka qayb-galay xus loo sameeyay Askarta Al-shabaab ku laysay Ceel-cadde, ayaa Kamaraduhu qabteen isaga oo sida hoggaamiyayaasha Kiristanka ah u foorarsanaya Taallada la dhigayey Ubaxa.
Laakiin, Sawirkaas oo Bulshada Soomaaliyeed aad uga xumaadeen isla-markaana Maalmihii u dambeeyay aad loogaga hadlayey Baraha Internet-ka ee Bulshadu ku xidhiidho, ayaa Sheekh Maxamed Idirisna ka hadlay.
Sheekha, ayaa barta uu ku leeyahay Shabakadda Bulshadu ku xidhiidho ee Facebook, waxa uu ka hadlay Sawirkaasi iyo sida Hab-dhaqanka uu Madaxweynuhu sameeyay ugu xun tahay Diinta iyo Dadka Muslimka ah, waxaanu Sheekhu uu Madaxweynaha ka dalbaday inuu Bulshada u caddeeyo waxa uu uga jeeday Foorarsiga uu u sameeyay Taallada lagu maamusayey Askarta Kenya ee Al-shabaab leysay.
Sheekha, oo Qoraalkiisa Ciwaan uga dhigay ‘Madaxweynuhu ha caddeeyo arrinka lala yaabay’, ayaa ku bilaabay sidan, “Waxaa baraha xidhiidhka Bulshada ilaa Shalay (doraad) dadka Soomaaliyeed aad u hadal hayeen Sawir la soo dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Calaamad Sujuud ku hor istaagey Daljirka dahsoon ee Kenya!! (Taallada). Madaxweynuhu waa nin Muslim ah, dal iyo dad Muslim ahna wuu matalayaa. Dhaqanka Diblomaasiyaddana waxaa ka mid ah (Protocol) loo ilaasho dal kasta Madaxdiisa wixii ka caaggan Diintooda iyo dhaqankooda, sidaa awgeed waxay Dadku is weydiinayaan, Maxaa ku khasbay Madaxweynaha arrin Diintiisa kasoo horjeeda, oo dembi weyn ah, halisna uba ah burintiisa?.
Waxaa xaq loogu leeyahay Madaxweynaha inuu jawaab ka siiyo waxa ku khasbay Arrinkaas Dadku wada arkay, lana fajacay?.
Xagga xukunka arrinka, Culimada islaamku iskuma khilaafsana Cid aan Ilaahay ahayn in loo sujuudo iney xaaraan maqdaca tahay, waxayse isku khilaafeen, ma lagu gaaloobayaa mise maya? Qaarkood sida Culimada Xanafiyada waxay qabaan in lagu gaaloobayo ama cibaada ha ula jeedo Qofku ama salaan, Culimada qaarna waxay qabaan haddii cibaada loola jeedo in lagu gaaloobayo haddii kalena dembi weyn tahay. Sidey noqotaba waa Arrin culus oo tilmaamo badan oo aan fiicnayn ka bixineysa Muslimiinta, gaar ahaan Soomaalida iyo Dadkeeda iyo Dawladeeda. Ilaahow na astur..”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...