Somaliland: Laba Xubnood oo ka Tirsan Musharaxiintii Isbahaysiga KULMIYE iyo xubno uu Wakiishay Guddoomiye Muuse Biixi oo Wadal u furmayo Maanta

Date:

Wasiirkii hore wasaarada Maaliyada Somaliland Mudane Sheikh Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Wasiirkii hore Arrimaha dibada Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis oo ka mid ahaa Musharaxiintii qaadacay shirweynihii Golaha dhexe ee sanadkii tagay aakhirkiisii loogu doortay Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi inuu noqdo Musharaxa madaxweynaha ee KULMIYE doorashooyinka 2017, ayaa markii ugu horeysay la kulmaya xubno uu wakiishay Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Kulankan oo ah mid xogtiisa aad loo ilaaliyey ayaa maanta ka dhacaya magaalada Addisa Ababa ee xarunta dalka itoobiya. Wasiirkii hore Arrimaha dibada ayaa isagu hore ugu sii sugnaa magaalada Addis Ababa halka uu Wasiirkii hore maaliyada Cabdicasiis samaale uu shalay galinkii danbe ka dhoofay magaalada Hargeisa isagoo u sii jeeda magaalada Addis Ababa, waa kulankii ugu horeeyey ee noociisa ah ee ay yeelanayaan xubo ka mid ah isbahaysigii Musharaxiinta kulmiye iyo xubno si gaar ah u metalaya guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

il wareedyo aad loogu kalsoon yahay oo ay shabakada wararka Maalmaha News helay ayaa sheegaya in kulanka ay arrintan qayb ka yihiin ganacsato reer Somaliland ah oo sida la sheegay  iyagu ka madax banaan labada dhinacba si weyn uga shaqeeyey isku soo dhaweynta masuuliyiintan.

Xubnahani wakiilka ka ah Gudoomiye Muuse Biixi ayaa la filayaa sidoo kale iney la kulmaan musharaxii saddexaad ee isbahaysiga kulmiye Xildhibaan Ahmed Cabdi Kijaandhe, hadii xisbiga wadani ku guuldaraysto wadahadalada bilowga ah ee wakhtigan la sheegay inuu u socda xubno ka mid isbahaysiga kulmiye iyo xisbiga mucaaradka ah ee wadani.

Garabka isbahaysiga KULMIYE ayaa wakhtigan si weyn iskugu khilaafsan xisbiga ay cuddudooda Siyaasadeed ku biirin lahaayeen, waxaana haatan si weyn u soo if baxay oo la dareemayaa khilaaf soo kala dhex galay masuulyiinta miidaanka u hayay isbahaysiga Kulmiye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...