Puntland: MADAXWEYNE GAAS OO SAMEEYEY FICIL DHOOLATUS U MUUQDA

Date:

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta 29-Jan-2016 socod dheer oo lug ah kusoo maray qaybo kamid ah shaaracyada waaweyn ee magaalada Boosaaso ee Xarunta ganacsiga Puntland.

Madaxweynaha ayaa socod dheer  kadib waxaa uu  gaarey Hotel Gacayte oo ku yaalla woqooyiga Boosaaso gaar ahaan xaaxiga ama  xeebta Boosaaso, halkaas oo uu kulan  nasasho iyo qaxwayn ah kula qaatay dad isugu jira mas’uuliyiin iyo shacab, kuwaas oo goobta ku sugnaa, maadaama uu Madaxweynuhu soo af-meeray Safarro shaqo oo bilihii ugu dambeeyey uu ku-jirey kuwaas oo xal loogu raadinayey geeddi-socodka doorashooyinka 2016.

Madaxweynaha ayaa intii uu shacabkiisa la-qaxwaynayey waxaa koox-koox  ugu imaanayey shacabkii  goobta ka qaxwaynayey,  kuwaas

oo hambalyo iyo salaan sharaf u wadey isla  markaasna ku bogaadinayey go’aankii geesinimada lahaa ee uu ka qaatay shirkii bur-buray ee madasha wadatashiga qaranMadaxweynaha ayaa  markii uu soo dhammaystay kulankii nasashada ahaa ee uu la-qadanayey shacabkiisa waxaa uu salaadii Maqrib shacabkiisa kula tukadey  Masaajid ku yaalla Gacayte Hotel.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa intaasi ka-dib waxaa uu Hotel Huruuse oo ka-mid ah Hotellada magaalada Boosaaso kula caweeyey qaybo kamid ah  Duubabka iyo hal-doorka Gobolka Bari, kuwaas oo Madaxweynaha ku bogaadiyey sida uu u difaacay aragtida shacabka Puntland ee geeddi-socodka doorashooyinka 2016.

Socdkaan lugta ah ee uu Madaxweynuhu ku dhex lugaynayey magaalada Boosaaso ayaa muujinaya Nabad-geliyada iyo xasiloonida gaamurtey ee ka jirta magaaalada Boosaaso, waxaana uu soo jiidanaysaa kalsoonida shacabka Puntland ku qabi karaan ka- hirgelinta magaalada Boosaaso goobo ganacsi caalami ah oo la tartami kara dunida horumartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...