Somaliland Oo Beenisay Wararki Sheegayay Inay Saari Doonto Dadka Somaaliya

Date:

-Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancade ayaa sheegay in la diiwaangelinayo dadka ka soo jeeda dalka Somaliya ee ku sugan Jamhuuriyadda Somalialnd.

 

Mr. Warancade oo u waramay weriye Axmed Siciid Cigeoo BBC Somali ka tirsan wuxuu sheegay in bil lagu diiwaangelinayo dadkaas, “Horta Somliya dee waanu kala go’nay laba dawladood oo saaxiib ah baanu noqonay, ninka Somaliya u dhashay waa in uu sharci ku joogo Somaliland, taas mooyaane dhibaato kale oo loo gaysanayaa majirto, toddoba cisho oo loo qabtayna ma jirto ee bil baa loo qabtay bishaa in ay isku diwaan galiyaan gobolkastana waxa aanu ka furnay xafiis diwaan-galiya waxaana la siinayaa sharci ay ku degganaadaan sida qofka Somalilanderka ahba uu u leeyahay sharci iyo dhalasho ayaa isaguna uu u yeelanayaa sharci uu ku joogo.” ayuu yidhi Wasiir Warancade,

Geesta kale, maamulka gobalka Sanaag ayaa beeniyay in Soomaali ka soo jeeda gobollada Soomaaliya oo deggan gobolka Sanaag lagu amray in ay kaga baxaan halkaasi muddo toddobaad ah.

Arrintani waxay ka dambeysay markii qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalidu ay sheegeen in dad reer Somaliya ay ka codsadeen madaxda Somaliland in aan laga saarin gobolka oo ay ka shaqeystaan.

Masuuliyiinta Somaliland ayaa amar ku bixiyey shisheeyaha sharci darrada ku jooga uu ka baxo, laakiinse masuuliyiintu waxay sheegeen in dadkaas aanay Soomaalidu ku jirin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...