Somaliland: Laba Macalin Oo Dugsi Hargeysa Ku Yaalla Ka Hawlgali Jiray Oo Ka Mid Noqday Dadkii Ku Geeriyooday Xasuuqii Alshabaab Ka Gaysatay Xeebta Liido Muqdisho

Date:

Alle ha u naxariistee Laba macalin oo ka Hawlgali jiray Dugsi kuyaala Hargeysa oo Lagu kala magacaabi jiray Cumar Colaad iyo Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir ayaa ka mid noqday Dadkii todobaadkii hore ay Dagaal yahanada ka tirsanaa Shabaabku ku xasuuqeen Maqaaxiyihiin Xeebta Liido ee Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho,Halkaasi oo ay ku dhinteen Dad badan oo Shacab u badnaa oo si foolxun madaxa looga wada toogtay.
Sida ay Wargeysa Foore u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Ardaydii ay wax bari jireen labadaasi Marxuum oo Hargeysa ku sugan iyo Macalimiintii ay wada shaqaynayeen, Labadaasi Marxuum ayaa mudo dheer ka mid ahaa Macalimiinta wax ka dhigta Dugsiga MUCAARIF ee Magaaladda Hargeysa,gaar ahaan kuyaala Agagaarka Huteel Maansoor,islamarkaana ka mid ahaa Macaliinta loogu jeclaa Dugsigaasi. Qaar ka mid ah Ardaydii ay Labadaasi Macalin wax u dhigi jireen oo wargeyska Foore la soo xidhiidhay ayaa noo sheegay in labadaasi Marxuum oo Qaraxii Muqdisho ee Liido ku geeriyooday todobaadkii hore ay ka mid ahaayeen Macalimiinta Dugsigaasi dhigi jirtay, islamarkaana bixin jiray Maadooyinka kala ah Psychology-ga iyo Maadada Physics-ka,waxaanay imika ka sii maqnaayeen mudo gaaban,iyagoo u wareegay oo loo wareejiyay laan kale oo dugsiga MUCAARIF ku leeyahay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Maamulka Soomaaliya.
Mid ka mid ah macaliinta Wax ka dhigta Dugsiga Mucaarif ee Hargeysa oo Wargeyska Foore la xidhiidhay Xalay,waxna ka weydiiyay labadaasi Macalin ayaa noo sheegay in Labadaasi Macalin Alle Ha unaxariistee ay ahaayeen laba Macalin oo inta badan israaci jiray oo isku xidhnaa,islamarkaana Saaxiibo dhaw ahaa oo dadka iska jeclaa,islamarkaana dhawaan u wareegay Magaalada Muqdisho. Marxuumka lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir oo reer Somaliland ahaa waxa uu ka soo jeeday Beesha Sheekh Khaash,waxaanay reerkoodu degan yihiin Somaliland halka Cumar Colaad uu ka soo jeeday Beesha Hawiye ee Muqdisho Degta. Sida ay noo sheegeen Macalimiintii ay wax wada dhigi jireen waxa ay Ladooduba u wareegeen Muqdisho,waxaanay wada galayeen Makhaayad ka mid ah Makhaayadihii Xeebta Liido ee Kooxda Shabaabka ka tirsani weerarka ka fulisay todobaadkii hore dhamaadkiisii oo ku siman Maalin Afraadkii weerarkaasi oo ay Labadaasi Marxuum noqdeen dadkii ku geeriyooday ee lagu laayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...