Garabkii dhawaan qaadacay doorashadii ka dhacday xisbiga kulmiye ee la baxay garabka isbahaysiga dimuqraadiyad doonka xisbiga kulmiye ayaa la filayaa inay si rasmi ah ugu biiraan xisbiga wadani,kadib markii masuuliyiinta kulmiye iyo xukumaduba ay dhagaha ka furaysteen inay wax ka qabtaan baaqyada isdaba jooga ah ee kasoo baxaya garabka.
yagona badanaa ku taama in dib loogu celiyo doorashadii ka dhacday xisbiga oo musharaxa madaxwayne loogu doortay muuse biixi halka madaxwayne ku xigeenkana loogu doortay cabdiraxmaan cabdilaahi ismaaciil saylici oo hada ah madaxwayne ku xigeenka somaliland iyagoona sheegay inaanay cadaalad ahayn dorashadu isla markaana uu madaxwaynaha somaliland kooto ugu xidhay muuse biixi cabdi iyo saylici.
waxaana masuuliyiintan la filayaa inay sida dhakhsaha ugu biiraaan xisbiga wadani madaama su’aasha kaliye ee bulshada kaga imanaysaa ee mar walbana la waydiiya ay tahay hadii uu xisbiga kulmiye idin maqli waayay waa maxay sababta aad wali u sheegaynaysaa kulmiye? .Iyadoona safarkii koobnaa ee uu ku tagay Gudoomiayaha xisbiga wadani cabdiraxmaan cirro gobolka togdheer iyo deegaanada hoos yimaada ay ka dhex muuqdeen kuna wahelinayeen xubno ka tirsan garabka isbahaysiga kulmiye.
Waxaana wararka qaar ay intaa ku darayaan in Gudoomiyaha xisbiga wadani mudane cabdiraxmaan maxamed cabdilaahi cirro iyo qaar kamida masuuliyiinta isbahaysiga oo ay kamid yihiin sida ay noo sheegeen ilo wareedyo ka agdhaw dhaw wasiirkii hore ee wasaarada madaxtooyada somaliland xirsi cali xaaji xasan wasiirkii hore ee arimaha dibada somaliland maxamed bixii yoonis wasiirkii hore ee wasaarada cadaalada somalilan xuseen axmed caydii iyo waliba xildhibaan kijaandhe uu dhex maray wada hadal balse wali ma cadda heshiisyada la kala gaadhay ee laysku afgartay.
Hadaba arintan ayaa dhabar jab wayn ku noqonaysa xisbiga kulmiye hadii ay isbahaysiga kulmiye ku biiraan xisbiga wadani, sidoo kale xogo ay ka helayso shabakada ramaasnews ayaa intaa ku daraya in masuuliyiin ka tirsan xisbiga kulmiye oo iskugu jira xildhibaano iyo masuuliyiin kale ay dhawaan shaacin doonaan inay iska casilayaan xisbiga kulmiye.