Somaliland: Hoos u dhaca Qiimaha Shilinka Somaliland oo sii socda & Rabitaanka Madaxweynaha Somaliland

Date:

Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii u horeysay ka hadlay Qiimo dhaca Shilinka Somaliland, waxaanu sheegay inay doonayaan in Shilinka Somaliland noqdo ka keliya ee wax lagu kala iibsado.

Qiimaha Shilinka Somaliland, ayaa aad hoos ugu dhacay waxaana boqolka doollar ee Maraykanku uu marka lagu sarifo Shilinka Somaliland uu marayaa in ka badan 800.000 kun, laakiin, Madaxweynaha oo Shalay khudbad u jeediyay Baarlamaanka, ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ku dedaalayso sidii boqolka Doollar loogu soo celin lahaa Sarifkiisa 600.000 kun oo Shilinka Somaliland ah.

Madaxwaynaha oo arrimahaa ka hadlaya, ayaa yidhi, “Dal kasta oo dunida ku yaal wuxuu leeyahay Calan iyo Cumlad u gaar ah. Lacagta Qarankani uu leeyahay waa Shillinka Somaliland.  Waxaa hubaal ah in lacagteenii uu ku yimi qiimo dhac, ka dib markii ay suuqa iyo seyladda ganacsiga ku cidhiidhyeen lacago qalaad. Taasi waxay keentay in lacagteenii ay soo ururto isticmaalkeedu. Haddaba, si aynu uga badbaadno dhibaatooyin siyaasadeed, dhaqaale iyo lacagteena oo sii qiima beesha. Waxaa xukuumaddayda ka go’an in ay xaqiijiso arrimahan:-

1)  Waxaannu suurto gelinaynaa in lacagta Shillinka Somaliland noqoto cumladda rasmiga ah ee wax lagu kala iibsado.

Waxaa waajib ah in bulshadu wax ku kala iibsato ama wax isku weydaarsato lacagteena, dhamaan Goobaha Ganacsiga sida Huteelada, Dugsiyada Waxbarashada, Suuqyada kala duduwan, Seyladaha Xoolaha iyo wixii la mida.

2)  Waxa bartilmaameed inoo ah in qiimaha sarifka dollarka ee Shillinka Somaliland la gaadhsiiyo 6,000 oo Shillin.

3)  Waxaannu xoojinaynaa isla markaana dardar  gelinaynaa Awoodaha Baanka Dhexe ee Qaranka, si uu u xakameeyo sicir bararka iyo sarifka lacagaha.

4)  Waxaannu ku gudo jirnaa diyaarinta iyo daah furka daraasad  qotodheer oo lagu xaqiijinayo in adeega Zaad-ka iyo E-Dahabka ku shaqeeya lacagta dollar ka ah ay qayb ka yihiin qiimo dhaca Shillinka Somaliland.

5)  Sidoo kale, waxaa daraasadaa lagaga gun gaadhi doonaa in lacagta sarifka Shillinka Somaliland ee gacanta u gashay Ganacsatada Waaweyn ee Bangiyada, Xawaaladaha iyo Jaadwalayaasha ay saamayn ku leeyihiin ama qayb ka yihiin qiima dhaca Shillinka Somaliland. Arimahan aan kor ku soo sheegnay haddii  cilmi baadhistaasi si dhab ah u xaqiijiso, waxaa lagama maarmaan ah  in aanu go’aamo adag ka qaadano si loo helo xal waara.

6)  Waxaannu Shirkadaha iyo Shacbi Weynaha Somaliland ku dhiiri-galinaynaa in ay lacagta dalkooda ku isticmaalaan adeegyada casriga ah ee Zaadka iyo E-dahabka.

7)  Waxaannu dhiiri gelinaynaa in dalka ay yimaaddaan Maal-gashadayaal, Shirkado Ganacsi iyo Bangiyo Caalami ah, si dhaqaaleheenu u kobco.

8)  Si aynu u helno lacag adag oo dalka ku soo noqota, isla markaana loo yareeyo wax yaalaha la inoo soo dhoofiyo, waxaan ku dhiiri-gelinayaa shacbigayga in ay xooga saaraan Wax Soo Saarka, Dalaga  Beeraha, Shaqa Abuurka, Xoolaha Nool, Beeyada, Kalluunka iyo wixii la mid ah, kuwaas oo ah khayraad alle inagu manaystay bad iyo berrina dhulkeena buuxiyey.

9)  Waxaan Shacbiga Somaliland u damaanad qaadayaa in aanay is dhex geli doonin hantida Qaranka keyd ka u ah ee Bangiga Dhexe ka mas’uulka yahay, iyo hantida ay xukuumadaydu isticmaasho. Arrintani waxay ka hortag iyo xal waara u tahay in aanay suuqyada hafin lacago dheeraad ku ah Shillinka Somaliland, taas oo aan dawladda dakhli ahaan u soo gelin ama aanay xoogsan.”

Qiimaha dhaca Shilinka Somaliland, ayaa waxa ka dhashay Sicir barar khatar galiyey Nolosha Danyarta Dalka, waxaanu Madaxwaynuhu u saaray Guddi Qaran oo soo baadha Sababaha keenay Sicir bararkaasi, inkasta oo aanu Madaxweynuhu Shalay ku soo darin khudbaddiisa wax natiijo ah oo ay Guddidaasi u soo gudbiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...