Somaliland: Guddomiyaha Maxkamadda Sare Oo Ay Bulshadu Sua,alo Madal Ku Waydiisay Oo Ka Jawaabay

Date:

Guddoomiyaha maxkamadda sare, ahna guddoomiyaha guddiga cadaaladda iyo guddoomiyaha maxkamadda distooriga ah Prof Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa habeen hore ka qayb galay kulan ay soo qaban qaabisay xarunta CPA (Center for policy analysis), waxaana lagaga hadlay dib u habaynta garsoorka Somaliland.

 

Kulankaas oo ka qabsoomay Maansoor, ugu horayn waxa furay guddoomiyaha xarunta CPA Maxamed Xuseen Jaamac (Rambo) oo ka waramay xarunta CPA iyo jeedada loo aasaasay iyo weliba kulamadii ka horeeyay ee ay qabatay,”Waa xarun ay bulshadu leedahay, waxaanan samaynay habeenka  ‘Kasmo-wadaag’ oo ah caways hadba lagu falanqayn doono mawaadiicda muhiimka ah iyadoo umadda la horkeeni doono masuulka uu mawduucaasi khuseeyo.” ayuu yidhi, waxaanu u mahadceliyay hay’adda Forum SYD oo kulanka gacan ka gaysatay.

Kulanka ayaa waxa ka qayb galay dadweyne  tiro badan oo isugu jiray qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaanu ugu horayn guddoomiyaha maxkamadda sare ka jeediyay warbixin uu kaga hadlay dib u habaynta garsoorka Somaliland ee uu hawshiisa bilaabay, isagoo ka waramay waxyaabihii u qabsoomay mudadii koobnayd ee uu xilka hayay. Wuxuu guddoomiyaha maxkamadda sare sheegay in hawsha dib u habaynta garsoorku tahay bilow balse ay tahay hawl soconaysa ilaa la helayo dib u habayn garsoor oo rasmi ah.

Waxa kale oo uu ka hadlay waxyaabo uu soo kordhiyay oo ku arooraya dib u habaynta garsoorka, sida isku bedelka garsooreyaal, caydhinta garsoorayaal, magacaabida garsoorayaal cusub, dirayska cusub ee loo xidhay guud ahaan bahda garsoorka iyo arrimo kale oo ay ka mid tahay inaan la xidhin saxaafadda inta ay dacwadoodu socoto, qodobkaas oo ah qodob ay xataa bulshada caalamku soo dhawaysay.

Wuxuu guddoomiyaha maxkamadda sare ka hadlay talaabooyin uu qaaday oo suurtogelin kara aaminda garsoorka ee bulshada taas oo muddo dheer meesha ka maqnayd.

Guddoomiyaha waxa ay bulshadii kulanka ka qayb gashay weydiiyeen su’aalo aad u tiro badan iyagoo sidoo kale u gudbiyay tallooyin iyo faalooyin ay ka bixiyeen hanaanka uu u socdo dib u habaynta garsoorka Somaliland.

Su’aalaha ayaa ahaa kuwo uu dhammaantood uu ka jawaabay guddoomiyaha Maxkamada sare, waxaanu kulankani socday laba saacadood iyo badh, iyadoo  dhammaan dadkii ka qayb galay ay ku tilmaameen kulan muhiim u ahaa hore u socodka garsoorka iyo hanaanka cadaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...