Somaliland: Guddida Cadaaladda oo isku-shaandheyn ku sameeyay Xeer-ilaaliyayaal & Garsoorayaal tiro badan iyo Qorshayaasha Cusub ee Xukuumaddu soo bandhigtay

Date:

Guddida Cadaaladda iyo Garsoorka Somaliland, ayaa Shalay sameeyey isku shaandhayn ballaadhan, waxaanay magacaabis, xilka qaadis iyo isku beddel ku sameeyeen qaar ka mid ah Garsoorayaasha iyo Xeer-Ilaaliyayaasha Qaranka ee gobollada Awdal, Togdheer, Sanaag, Sool, Saaxil iyo Maroodi-jeex.

Go’aankan isku shaandhaynta ah ee ka soo baxay Guddida Cadaaladda iyo Garsoorka Somaliland oo uu ku saxeexnaa Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Axmed Faarax Cadare oo leh baahinta go’aannada ka soo baxa Guddida Caddaalada ayaa u dhignaa sidan:- “Guddidu waxay go’aamiyeen isbeddel Garsoorayaal iyo xeer ilaaliyayaal:

Sahal Cabdilaahi Xirsi waxaa laga beddelay Gudoomiyaha Racfaanka ee gobolka Awdal waxaan loo beddelay Garsoore heer racfaan oo fadhigiisu yahay gobolka Selel.

Cabdiraxmaan Rooble Barre waxaa laga beddelay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Awdal waxaana loo beddelay Garsoore Maxkamadda racfaanka Gobolka Awdal.

Maxamed Siciid Saaweer, waxaa laga beddelay Guddoomiyaha Maxkamadda degmadda Boorama waxaana loo beddelay Garsoore Maxkamadda racfaanka Gobolka Awdal.

Axmed Xasan Askar waxaa laga beddelay Garsoore Maxkamadda Gobolka Sanaag waxaana loo beddelay Garsoore Maxkamadda degmadda Caynabo.

Siciid Cabdilaahi Xuseen waxa laga beddelay Garsoore Maxkamadda Gobolka Togdheer waxaana loo beddelay Garsoore Maxkamadda degmada Salaxlay.

Cabdi Haybe Cilmi waxaa waxa laga beddelay Xafiiska ku-xigeenka xeer Ilaaliyaha Guud ee gobolka Awdal waxaana loo beddelay Xafiiska Ku-xigeenka gobolka Maroodi-jeex.

Aadan Axmed Muuse waxaa laga beddelay xafiiska ku-xigeenka xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxaana loo beddelay xafiiska ku-xigeenka xeer Ilaaliyaha guud ee Gobolka Awdal.

Cali siciid Jaamac waxaa laga beddelay Maxkamadda degmadda Ceerigaabo waxaana loo beddelay Garsoore Maxkamadda degmadda Daad-madheedh.

Qodobka 2-aad: Magacaabid Guddoomiyayaal iyo Garsoorayaal

Idiris Faarax Muuse waxaa laga beddelay Garsoore Maxkamadda Gobolka Awdal, waxaana loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Awdal.

Aadan Cabdilaahi Cali waxaa laga beddelay Garsoore Maxkamadda Gobolka Awdal, waxaana loo magacaabay Gudoomiyaha Maxkamadda degmadda Boorama.

Maxamed Jibriil Cilmi waxaa laga beddelay Garsoore Maxkamadda Gobolka Awdal, waxaana loo magacaabay Gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Awdal.

Xuseen Axmed Cabdiraxmaan waxaa loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Gobolka Sanaag.

Saleebaan Cumar Ciise waxaa loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda degmadda Burco.

Muuse Aamin Ciise waxaa loo magacaabay ku-xigeenka xeer Ilaaliyaha Guud ee gobolka Awdal.

Maxamed Xasan Axmed waxaa loo magacaabay ku-xigeenka xeer Ilaaliyaha Guud ee gobolka Sool.

Qodobka 3-aad: Waa Digniin Kama Dambaysa ah

Aadan Maxamed Muuse waxaa la siiyey digniin kama dambaysa.

Cali Siciid Jaamac waxaa la siiyey digniin kama dambaysa.

Siciid Cabdilaahi Xuseen waxaa la siiyey digniin kama dambaysa.

Qodobka 4-aad: Guddida Cadaaladdu waxa ay go’aamisay in Garsoore Ku-xigeen Xeer Ilaaliye iyo Diwaan-galiyaha iyo diwaan-haye iyo kaaliye shaqada laga saaray dib loogu soo celin karo shaqada garsoorka.

Qodobka 5-aad: Ansixin magacaabis Guddoomiye iyo Garsoore maxkamadda Sheekh

Axmed Cali Jaamac waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda degmada Sheekh.

Cabdilaahi Cismaan Xuseen waxaa loo magacabay Garsoore maxkamadda degmada Sheekh.

Qodobka 6-aad:

Farax Khadar Nuur waxaa laga beddelay xafiiska xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxaan loo beddelay ku-xigeenka xeer Ilaaliyaha Guud ee gobolka Awdal.

Mumtaha Maxamud Ibraahin waxa laga beddelay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka waxaan loo badalay ku-xigeenka xeer Ilaaliyaha Guud ee degmadda Gabiley.

Guddoon Axmed Maxamud waxaa laga beddelay xafiiska xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxaan loo beddelay ku-xigeenka xeer Ilaaliyaha Guud ee gobolka Togdheer.

Saahida Cali Jaamac waxaa loo daayey xarunta xafiiska xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka

Qodobka 7-aad: Shaqo Ka Saarid

Najma Cumar Jaamac waxay ahayd ku-xigeenka xeer Ilaaliye guud waxaana laga qaaday shaqadii ay qaranka u haysay ka dib markii ay shaqada ka soo xaadiri wayday.

War-saxaafadeedkan waxaa ku saxeexnaa Axmed Faarax Caddare Wasiirka Cadaaladda iyo Arimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Isku-shaandheynta Ballaadhan, ayaa ku soo beegmaysa hadal uu Shalay Madaxweynaha Somaliland ku sheegay inay dedaal ugu jiraan sidii loo hagaajin lahaa Caddaaladda Dalka.

Madaxwaynaha Somaliland oo Shalay Khudbad-sannadeedka 2016-ka u jeediyay labada Aqal ee Baarlamaanka, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi, “Cadaaladdu waa tiirarka udub dhexaadka u ah jiritaanka ummad kasta. Nidaamka Garsoorka Dalka waxa muddo dheer ka jiray cabatinno iyo cadaalad darro aan yarayn, kuwaas oo guud ahaan wiiqay sumcaddii   Maxkamadaha. Nasiib wanaag, tan iyo intii aan u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane, Aadan Xaaji Cali oo ah aqoon-yahan dhallinyaro ah, waxa abuurantay yuhuun iyo yididiilo hor leh. Haddaba, si loo taabo geliyo cadaalad tisqaada iyo isbeddel wayn oo ay ummaddu mahadiso, waxa qorshaysan in aynu sanadkan fulino arrimahan:

  1. Aasaasidda Mac’hadka Tababarka Garsoorayaasha, Ku-xigeenada Xeer-ilaaliyaha Guud iyo Hawl-wadeenada kale, si kor loogu qaado aqoontooda.
  2. Alifaada Xeerka Xuquuqda Bahda Garsoorka.
  3. Aasaasidda Library iyo Xarun Cilmi Baadhiseed oo u gaar ah Bahda Garsoorka iyo Qareennada Kaalmaynta Sharciga.
  4. Aasaasidda Guddida Dib-u-eegista xukunada ay soo saaraan Garsoorayaashu.

5.Duubista dhagaysiga dacwadaha ka socda Maxkamadaha Gobollada, gaar ahaan Gobolka Maroodi-jeex.

6.Aasaasidda Xarunta Kaydka Bahda Garsoorka.

7.Balaadhinta Maxkadaha guur-guura iyo nidaamka maamulka iyo maareynta dacwadaha, si ay dad weynaha ku nool tuulooyinka loogu dhaweeyo Adeegga Maxkamadaha.

8.Balaadhinta Guddida Daba-galka iyo Kormeerka Garsoorayaasha iyo Ku-xigeenada Xeer-ilaaliayaha Guud oo la gaadhsiiyo heer gobol iyo heer degmo.

9.Dhismayaasha Xarumaha Maxkamadaha:

10.Kordhinta Mushaharka Bahda Garsoorka.

11.Samaynta iyo Xoojinta Xidhiidhka Maxkamadda Sare la leedahay Maxkamadaha Sare ee Dalalka aynu jaarka nahay.

12.Qiimaynta Garsoorayaasha Dalka iyo dardargelinta Guddida Cadaaladda.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...