Somaliland: Xukuumadda Oo Kalluumaysatada Dalka Ugu Baaqday Inay Is-diiwaan geliyaan

Date:

Wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay diiwaangelin wada-jir ah oo ay u samaynayso kalluumaysatada iyo doonyaha kalluumaysiga ee kala duwana ee ka hawlgala guud ahaan xeebaha Somaliland.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo ay wehelinayaan agaasimaha guud ee wasaaraddaas Cabdi Axmed Nuur (Cabdi-gurey) iyo agaasime waaxeedyada qorsheynta iyo maamulka oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiska wasaaradda ayaa sharaxay diiwaagelinta ay wasaaraddu ku samaynayso kalluumaysatada iyo doonyaha muwaadiniinta reer Somaliland.

Sidoo kale wasiir ku-xigeenka wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Maxamed Xaaji Aaden Cilmi waxa uu ka warramay ujeedada ay wasaarad ahaan ka leeyihiin diiwaangelinta kalluumaysatada iyo doonyahooda, isla markaana waxa uu farriin u diray kalluumaysatada, isagoo ugu baaqay inay diiwaangeliyaan doonyahooda.

Wasiir ku-xigeenka ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyay noocyada taarikada (Lambarka) ay yeelanayaan doonyaha kala duwan ee ay leeyihiin kalluumaysatada kala duwan ee guud ahaan ka hawl-gala gobollada xeebaha Somaliland.
Wasiir ku-xigeenka wasaaradda kalluumaysigha iyo khayraadka baddu waxa kale oo uu ka hadlay mashaariic horumarineed oo lagu samaynayo doonyo kalluumaysi oo ay wasaaraddu ku hawln tahay iyo mashruuc lagu tarminayo kallunka oo ay qorsheynayaan inay dhawaan hirgeliyaan, kaasoo uu tilmaamay wasiir ku-xigeenku inay khubaradii ka caawinayay dhawaan dalka soo gaadhi doonaan.

Dhinaca kale, waxa uu wasiir Maxamed Xaaji Aaden Cilmi meesha ka saaray warar ay warbaahinta qaarkeed ka qoreen qaabka taarikada ay yeelanayaan doonyaha kalluumaysatadu.

Wasiir ku-xigeenka oo arrimahaas ka hadlayaa waxa uu yidhi. “Waxaanu kalluumaysatada Somaliland meel kasta oo ay joogta ku wargelinaynaa inay is-diiwaangeliyaan, waxaananu kalluumaysatada la socod siinaynaa oo aanu cod dheer ugu sheegaynaa inay is-diiwaangeliyaan, iyadoo aanay ahayn markii koowaad ee aanu qabano hawshani, balse aanu waqtigan jecelnahay inaanu kusoo gunaanadno, maadaama oo baddii lagu soo noqday oo aanu filayno in kalluumaysatadii u diyaar-garoobeen goobihii shaqada in intii aan hore nasiib uhelin inay is-diiwaangeliso iyaga iyo doonyahooduba inay is-diiwaangeliyaan.”

Wasiir ku-xigeenka oo ka hadlaya ujeedada waqtigan ee diiwaangelinta kalluumaysatada iyo doonyahooda ayaa yidhi. “Ujeedada diiwaangelinta oo aanu dhawr jeer ooh ore u sheegnay ayaa ah inaynu ka soocno doonyaheena iyo kalluumaysatadeena ummaddaha kale ee kusoo xad-gudba badda Somaliland. Sidaa daraadeed xaq waxay u yeelan doonaan inay calaamadda Somaliland ka muuqato doonyahooda, si ciidamada amniga iyo cid kasta oo ku mashquulsan kala garashada cadawga iyo muwadiniinta Somaliland ay u fududaato inay kala aqoonsadaan. Hawshaas oo ah mid muhiim ah, isla markaana ay inaga caawisay hay’adda FOA , waxaynu doonaynaa inaynu jaaniskan ka faa’iidaysano.”

“Waxa jira mashruuc doonyo samayn ah oo ay wasaaraddu wado oo ay naga caawisay FOA, kuwaasoo dhererkoodu yahay 9.9, isla markaaana aanu qorsheynay inaanu ku samayno 14 doonyood oo afar ka mid ahi imika samaysan yihiin. Sidoo kale waxa jira wejiyo kale oo ay hay’adda FOA nala qorsheynayso oo ay ka mid yihiin qaabka kalluumaysiga casriga ah loo sameeyo oo uu caalamka imika ku talaabsaday oo ah in kalluunka la beero, kaasoo aanu rajaynayno in bisha soo socota ay khubaradii naga caawinaysay ay iman doonaan.”

Wasiir ku-xigeenka Somaliland ayaa dhinaca kale been abuur ku tilmaamay warar ay warbaahinta qaarkeed ka qoreen qalad dhinaca qoraalka ah oo ku yimi qaar ka mid ah taarikada doonyaha kalluumaysiga, kuwaasoo uu tilmaamay inay dib u saxeen, balse sidii ay warbaahintaas wax uga qortay aanay ahayn.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...