Somaliland: Xukuumadda Ingiriiska oo faahfaahin ka bixisay kulan dhexmaray Wasiirka Khaarajiga Somaliland & kaalin ay ku yeelato Wada xaajoodka Soomaaliya

Date:

– Xukuumadda Ingiriiska ayaa faahfaahin ka bixisay kulan dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire iyo kaalin ay ku yeeshaan wada xaajoodka la saadaalinayo inuu dhexmaro Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasiirka Afrika iyo waddamada Barwaaqo-sooranka u qaabilsan Ingiriiska, Mr. James Duddridge, oo dhowaan xafiiskiisa London ku qaabilay wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire iyo xubno la socday ayaan faahfaahin dheeraad ah laga bixin qodobada labada dhinac ka wada hadleen.

Su’aalo weriye, Maxamuud Walaaleye, oo hawl-wadeenada wargeyska Codka Somaliland ka tirsan khadka email-ka ugu diray Mr. Duddridge, wasiirka Afrika u qaabilsan Ingiriiska doraad ayaa jawaabahoodii lagu sheegay inay kulan isbarasho yeesheen labada dhinac.

Sheena Lavery, haweenay afhayeen ka ah xafiiska Afrika & Waddamada Barwaaqo-sooranka ee Ingiriiska oo wargeyska Himilo uga soo jawaabatay su’aalahaa ayaa sheegtay in xukuumada Ingiriisku si weyn u taageersan tahay wadaxaajood dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya.

Su’aal wargeyska Codka Somaliland ka weydiiyey Mr. Duddridge ujeedada kulankuu la yeeshay wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali shire iyo qodobadii labada dhinac ka wada hadleen, ayey Miss Lavery,  ku jawaabtay,

“Mr Duddridge waxuu la yeeshay kulan is-barasho Dr. Sacad Cali shire, maadama dhowaan xilka Wasiirka Arrimaha Dibedda loo magacaabay. Labada wasiir waxay fursadaa kaga faa’idaysteen inay ka wada xaajoodaan arrimo badan oo danaha ka dhexeeya ah.

Somaliland waxay danaynaysaa in wadammo sida Ingiriiku, qeyb ka noqdaan wada-xaajoodka la saadaalinayo ee u dhexeeya Soomaaliya, ma laga yaabaa in dalkaagu si rasmi ah goobjoog uga noqdo, oo la weydiiyey ayey ku jawaabtay,

“Dalka Ingiriisku waxuu si weyn u taageersan yahay wada-xaajoodka dalka Turkigu dhexdhexaadinayo ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Ugu dambayn, mar la weydiiyey maadaama madaxbanaanida shacabka Somaliland xaq u lahaayeen helitaankeeda way muddo-dhaaftay, halka khubaro iyo qoraa badan oo qadiyadda ka hadlay wada qireen sharcinimadeeda, ma filaysaa in Ingiriiska oo xidhiidh taariikh dheer la wadaagi jiray Somaliland iyo guud ahaan beesha caalamku inay diyaar u yihiin aqbalaadeeda, ayey ku jawaabtay,

“Waxaan aaminsan nahay in mustaqbalka Soomaaliya yahay arrin shacabka soomaalidu go’aan ka gaadhaan, isla markaana wadammada jaarku horsed ka noqdaan aqoonsiga wax kastoo ka soo baxa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...