Somaliland: Maamulaha Kastamka Lowyacaddo oo lagu eedeeyay inuu Lacago Sharci daro ah ku soo rogey Dadka Kastamka Isticmaalla

Date:

– Qaar ka mid ah Muwaadiniinta Reer Somaliland ee u kala gudba Dalalka Somaliland iyo Jabuuti, ayaa Cabasho xoog leh ka muujiyey Maamulaha Kastamka Lowyacaddo ee Gobolka Selel, waxayna ku eedeeyeen inuu Lacago Sharci Daro ah ka qaado hadday Jabuuti ka yimaaddaan iyo haddii ay sii gelayaanba.

Madax-dhaqameed iyo Haween ka mid ah Dadka Isticmaala Jidka uu ku yaallo Kastamka Lowyacaddo oo qaarkood Shalay la hadleen Warbaahinta, ayaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka codsaday in wax laga qabto dhibaato ay sheegeen in Maamulaha Kastamka Lowyacaddo oo Magaciisu yahay Cabdirisaaq Aadan Yuusuf (Faysal Dheere) uu ku hayo Shacabka.

Cadar Maxamed Carab oo ka timid dhinaca Djibouti oo ah Muwaadinad reer Somaliland ah oo arimo Caafimaad u tagtay Djibouti, oo ka mid ah Dadka Cabashadooda u soo bandhigay Saxaafadda, ayaa sharraxday dhibaato ay sheegtay inay Kastamka kala kulantay, “Waxaan watay Kaadhkii Muwaadinimada ee Somaliland, waxa aan ku soo laabtay dalkayga, waxaana la iila dhaqmay si la mid ah sidii Ajanabiga oo kale waxa la igu yidhi lacag isku furo, mana jirin cid i maqashay ilaa aan bixiyay $31 doollar oo lacag ah. Xaal ka ka daran ayaana ka jira Kastanka Lawyacado, wax walba oo dhibaato ah oo dadka ku dhacaysana waxa ka masuul ah ayaa la yidhi nin la yidhaahdo Faysal Dheere, markaa xukuumadda waan ku cabanaynaa ee wax ha ka qabato.

Maamulaha Tuulada Lawyacado ee Kastamku ku yaallo, ayaa isaguna Warbaahinta u sheegay in Maamulaha Kastamku uu Shalay Subaxdii Wariyeyaal geeyay Xarunta Kastamka isla-markaana Dad la ururiyey oo ka gudbaya Xadka Jabuuti iyo Somaliland laga duubay Muuqaallo si buu yidhi Masuuliyiinta Dawladda loo indho Sarcaadiyo oo looga qariyo Xaqiiqada ka jirta Kastamka Lowyacaddo iyo waxa Dadweynuhu ka cabanayo, waxaanu yidhi, “Subaxii hore ee Saaka (Shalay) ayuu Lawyacado yimid Maamulaha Kastamka Saylac waxaanu watay Wariyeyaal wax ka duubayay, intii uu joogay dad waxoogaa ah oo Kamarad laga duubayay ayaa u gudbay dhinaca Saylac, markii ay duubiddu dhamaatay wax walba way cakirmeen, dadkii labada dhinaca u kala gudbayay ee reer miyiga iyo safarka u badnaa ee dadka deegaanka ahaana, waa la diiday inay gudbaan, cabasho xoogan ayaanay noo soo gudbiyeen, waxaana aan gaadhsiinaynaa Xukuumadda in Maamulaha Kastanka Saylac laga qabto dadka.”

Xildhibaan Maxamed Daahir Camir oo ka tirsan Golaha deegaanka ee degmada Saylac, ayaa isaguna dhaliilay in Maamulaha Kastamku uu Dad gaar ah Kamarado ka duubo si buu yidhi uu Dawladda u marin habaabiyo, “Waxaad moodaysay in Filim la duubayo, dad abaabulan ayaa la sii daayay, kamaradona waa laga duubay, markii muuqaaladii la duubayay ay dhamaadeena, wax walba waxa ay ku soo laabteen sidii hore, safar, iyo socoto degaana waa la diiday inay ka gudbaan xadka ilaa ay lacag $30 ka badan bixiyaan.” Ayuu yidhi Xildhibaan Caamir.

Dhanka kale, Maamulaha Kastamka Lowyacaddo oo aanu Xalay isku daynay inaanu eedaymahan wax ka waydiinno ayaanay noo suurto-gelin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...