Somaliland: Guddida Doorashooyinka Iyo Saddexda Xisbi Oo Qalinka Ku Duugay Xeerka Hab-dhaqanka Diwaangelinta Codbixiyayaasha

Date:

Guddida doorashooyinka qaranka Somaliland iyo hoggaamiyeyaasha saddexda xisbi ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI, ayaa maanta kala saxeexday xeerka hab-dhaqanka Diwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka oo dhawaan ka bilaamaysa gobolka Togdheer

Kulankan ay saddexda xisbi qaran iyo Guddida doorashooyinku heshiiska ku kala saxeexdeen oo ay soo qaban-qaabisay Akaadamiyada nabadda iyo horumarka Somaliland (Academy for Peace and Development) (APD), waxaanay hoggaamiyeyaasha xisbiyadu balan-qaadeen inay ku dhaqmi doonaan xeerakan ay kala saxeexdee.

Gudoomiyaha Akaadamiyada nabadda iyo horumarka Maxamed Faarax Xirsi oo ka hadlay kulankan heshiiska lagu kala saxeexday, waxa uu yidhi

“Hawsha Diwaangelintu waxay taabanaysaa Qaranimadeena, waxay taabanaysaa doorashooyinka soo socda, waxaanay saldhig u tahay inay dalka ka dhacaan 2017-ka doorashooyin xor ah oo xalaal ah oo si Nabadd ah u dhacda. Waxaanan ku boorinayaa Asxaabta, Guddida doorashooyinka iyo Dawladuba ay si fiican oo hufnaan leh ay uga wada qayb galaan,  Somaliland-na ay ku  guulaysato inay qabsato Diwaangelinta doorashooyinka.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Akaadamiyada nabadda Somaliland.

Sidoo kale Guddoomiyaha Guddida doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Diwaangelintani ay horseed u  noqon doonto doorashooyin dalka ka dhacay, waxaanu yidhi,

“Anagu Guddi ahaan, waxaanu balan qaadaynaa inaanu waajibkayaga oo dhan ka gudano Diwaangelinta soo socota si ay u noqoto mid caam ka yeesha lixda gobol ee ay Somaliland ka kooban tahay,  taas oo Diwaangelintu inagu hogaamin doonta doorasho xor ah oo xalaal.”

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay inay xisbi ahaan soo dhaweynayaan heshiiskan, waxaanu yidhi

“Waanu soo dhawaynaynaa, Diwaangelintan iyo doorashada aynu hadda u qaadnay, haddii aan Xeerkii la samayn oo aan laga heshiin Kuraasida oo aanu u aragno inay yihiin  qodobo muhiim ah.” Ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Gudoomiye ku Xigeenka koowaad ee xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed ayaa ayaa sheegay inay balan qaadayaan in xisbigoodu ku dhaqmo Xeerkan Diwaangelinta doorashooyinka, waxaanu yidhi

“Muhiimadu waxa weeyaan inaynu ku dhaqano Xeerkan marka aynu saxeexno, ka xisbi ahaan waxaanu balan qaadaynaa inaanu ku dhaqmi doono xeerkan.” Ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.

Ugu dambaysan, Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo heshiiskan ka hadlay, waxa uu shacbiga Somaliland ugu baaqay inay ka qayb-qaataan Diwaangelinta codbixiyayaasha, waxaanu yidhi

“Waxaanu ugu baaqaynaa  dadka Muwaadiniinta ah inay xilkooda gutaan oo ay tallada Dalkooda dhisaan oo ay Diwaangelinta ka bilaabaan, Diwaangelintu waxay u baahan tahay inaad si xil kasnimo ah uga qayb qaadato, hal cod ayaad leedahay, dulqaad ayaad leedahay, inaanad xumayn ayaad xaq u leedahay. Inaanad gardaro ku samayn Muwaadinka kale ee safka kugula jira ayaad xaq u leedahay.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...