– Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-Siiro), ayaa ka digay kooxo u sheegay inay dalka u maleegayaan mu’aamaraad, kuwaasi oo ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.
Sheekh Aadan-Siiro ayaa sidan ku sheegay khudbaddii Salaadda Jimcaha ee shalay, isaga oo bulshada kula taliyey inay ka foojignaadaan, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya, “Waxaan leeyahay Dalku Maanta wuxuu u baahan yahay gurmad aynu kaga badbaadinayno Dad mu’aamaraad wada oo dalka gudihiisa jooga iyo qaar ka baxsan oo heshiiskii ay Ummaddu wada gashay meelo badan ka faruuraya.”
Sheekha oo sii hadlaya, ayaa sheegay, “Digtoonidu maxay tahay? marka aynu ku eegno isha Islaamka iyo isha Sunaha Rasuulka (NNKH) iyo aragtidii dheerayd ee dadka wanaagsanaa ee dunidan wanaagga iyo khayrka ku soo hoggaamiyey, Culimadu waxay yidhaahdeen Digtoonidu waa u soo jeedka waxa ka dhacaya Gudaha iyo Dibada dalka, kaasi oo garan kara waxa ku soo socda iyo waxa gondihiisa ka jira iyo waxa ku xeeran iyo dhaqdhaqaaqyada socda, kaasi ayaa la odhanayaa Qof digtoon oo dareenkiisu uu taagan yahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “ILAAHEY isagoo ka waramaya gaalo inaynaan isku halaynin oo Rasuulka u digaya (N.N.K.H), waxa uu ku yidhi ‘Waxaad ku kala saartaa Muslimiinta wixii uu ILLAAHEY ku soo dejiyey, kuwaa Gaalada ah waxaa ay doonaayaan ha raacin waxaan kaaga digayaa inay kuwaasi kaa leexiyaan wixii ILLAAHEY kugu soo dajiyey.”
Sheekh Aadan-Siiro ayaa waxa intaasi ku daray “Haddii uu caqli jiro dhamaystirani, haddii cilmi jiro, in kasta oo cilmiga ugu badani uu yahay ka ILAAHEY (SW), laakiin bani-aadam ka cilmi badnaa oo ka aragti dheeraa Rasuulka (NNKH) muu jirin, haddana Rasuulka digniin xoogan ayaa la siiyey, waxaana lagu yidhi kuwaasi dariiqa ka leexday ka digtoonow. Nimanka maanta dunida Hoggaamiyaa dagaal sokeeye ayey ku soo wadaan Somaliland, kuwii horena iyagaa sameeyay, haba isticmaalaan Dad badan oo ay weji dadban ugu xidhan yihiin.”
Sheekhu waxa kale oo uu ka hadlay ahmiyadda ay leedahay Dadku isku tashadaan, “Waddanka Taiwan la yidhaahdo waa dalka Maanta Tiknoolajiyadda halkay ka gaadhay aad ogtihiin wax dunida la soo saaro oo aanay soo saarin oo aan Nukliyeer ahayni ma jiro, maanta dunida yaa ictiraafsan dalkaasi, macnaheedu waxay tahay dunidu waa waxaad qabsato dunidu waa inaad adigu is ictiraafto oo aad wax noqoto, ”. ayuu yidhi.