Somaliland: -Xirsi iyo Wefti uu hogaaminayo oo laga Hor-istaagey Magaalada Caynabo iyo wasiirka oo ka hadlay

Date:

Wefti uu hogaaminayo Wasiirkii hore ee madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka qaybgalayay shir beesha Yoonis Cabdiraxmaan uga socday magaalada Caynabo ee Gobolka Saraar ayaa laga hor-istaagay.

Wasiirkii hore ee madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka hadlay falkan lagaga horjoogsaday Magaalada Caynabo isagoo ku sugan magaaladaasi oo markii dambe ciidamada booliisku u ogalaadeen inuu ka qayb galo shirka.

Wasiir Xirsi oo arrimahan kahadlaya ayaa yidhi “ “Way jirtay in Kaantaroolka lanagu joojiyay, laakiin sida loo buunbuuniyay waxba uma dhicin, waxaana ka jawaabay wasiirka arrimaha gudaha , badhasaabka Caynabo iyo suldaanka guud ee Deegaanka ay hoostagaan ciidamada Booliisku, xaalna waalaga bixiyay”

Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hadalkiisa sii wataa waxaa uu intaasi ku ladhey “Annigu meelkasta haka timadee waxaan u arkayay arrin khaldan, laakiin imika waxba odhan maayo hebel iyo hebel ayay ahayd mar hadii xaalka laga bixiyay masuuliyiintii dawlada iyo salaadintii deegaankuba ka bixiyeen.Arrimaha hore ee dadka loogu diiday in magaalooyinka ay galaan Annigu lamaan socon laakiin marwalba xuquuqda muwaadinka sida uu dastuurku xadidday waxay leeyihiin dhaqdhaqaaq, xorriyada aasaasiga ah, markaa cid u diidi karta muwaadin dhaqdhaqaaq iyo xorriyad ma jirto”ayuu yidhi Wasiirkii hore ee madaxtooyada Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...