Mdaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Ayaa maanta Si rasmiya Xadhiga uga Jaray Dhismaha Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland taasi oo ka Kooban Dhisme Saddex Dabaqa.
Munaasibada Xadhig Ka Jarista Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa ahayd goob si meeqaan sare ah loo soo agaasimay isla markaana ay xarunta ku sugnaayeen dhamaanba Goleyaasha kala duwan ee qaran , Ciidamada Kala duwan ee Boliska , Ilaalada Xeebaha, Laanta Socdaalka , Dem-damiska iyo Cidamada Bamboyda.
Madaxwayne Siilaanyo oo ay wehelinayaan wasiirka arrimaha gudaha, Wasiirka madaxtooyada Taliyayaasha ciidamada boliska , Laanta Socdaalka Iyo Ilaalada Xeebuhu waxay salaam sharaf ka qaateen cutub katirsan ciidamada Boliska Somaliland .
Waxaana madaxweynuhu Salaanta kadib usoo gudbay dhanka Dhismaha Wasaarada Arrimaha Gudaha halkaasi oo uu Xadhiga ka jaray.Waxaana xadhig kajarinta kadib bilaabantay khudbadaha masuuliyiinta iyo sidoo kale riwaayado ka turjumada wax-qabadka wasaarada arrimaha gudaha.
Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Arrimaha gudaha Somaliland oo Halkaasi Ka Hadlay ayaa ka xog waramay Waxqabadka wasaarada , tirada Shaqaalaha iyo waaxaha ay ka kooban tahay. Sidoo kale agaasimaha guud Mudane Cabdi Fataax waxaa uu ka hadlay waxyaalaha u qorshaysan wasaarada sanadka soo socda iyo dhamaan waxqabadka u qabsoomay haayadaha wasaarada la shaqeeya ama hoos yimaada.
Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Waran Cadde oo madashan ka hadlay waxaa uu sheegay in muwaadiniinta Dawlada Somaliya ay dalka kusoo gali doonaan Baasaaboorkooda waxaanu yidhi
“Waxaan halkan doonayaa inaan maanta ka sheego dhinaca isku socodka bulshada in maanta laga bilaabo dadka u dhasay dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya ay dalka kusoo gali doonaan pass-port isla markaana dalka ku joogi doonaan sharci sida wadamada kale kaas oo waliba masuul ay ka noqon doonaan dadka dalkan u dhashay ee reer Somaliland ahi”
Sidoo kale wasiirku waxaa uu ku dheeraaday waxqabadka wasaarada arrimaha gudaha isagoo shahaado sharaf ay shaqaalaha wasaarada arimaha guduhu ugu talo galeen madaxwaynaha uu munaasibadaasi ku guddoonsiiyay.
Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo munaasibadaasi xadhiga lagaga jarayay wasaarada arimaha gudaha hadal kooban ka jeediyay waxaa uu mahadnaq balaadhan usoo jeediyay maamulka iyo shaqaalaha wasaarada arimaha gudaha Somaliland.