Somaliland: Wasiirka Duulista oo Ballanqaaday Fulinta Go’aankii Xukuumaddu Ka soo Saartay Socdaalka Dadka

Date:

Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa ballanqaaday in wasaaraddiisu si buuxda u fulinayso, una dhaqangelinayso qodobada dhinaca safarka cirka ah ee khuseeya wasaaraddiisa, kuwaasoo qayb ka ah go’aan 8 qodob ka kooban oo xukuumaddu soo saartay toddobaadkan.

Md. Caddaani oo saxaafadda la hadlay shalay, waxa uu sheegay in shuruudo kala duwan lagu xidhay dadka u kala safra dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo xusay in madaarrada dalka lagu soo geli doono sifo sharci ah, cid bilaa aqoonsi ahna aanay ka soo degi karin haddii ay yihiin muwaaddiniinta Somaliland iyo dadka reer Soomaaliyaba.

“Qofka reer Soomaaliya ee degan ama jooga Somaliland ee aan haysan wax baasaboor ama sharci ah ee doonaya inuu dhoofo, kuna noqdo dalkiisa Soomaaliya, waxa laga rabaa inuu waraaq ka qaato Laanta Socdaalka Somaliland, taasoo ah ku noqosho dalkiisa (go home) marka qofkaasi caddeeyo inuu yahay reer Soomaaliya,” ayuu yidhi Wasiirka Duulistu.

Waxaannu intaas ku daray; “Waxa qodobkaas loogu talogalay, isla markaana aan meelna ka suurtogalayn adduunka in qof diyaarad raacaya cidda uu doono ha noqdee aannu sidan wax aqoonsi ah, waana waxyaabaha mamnuuca ka ah adduunka, waxaanna haboon in qof waliba sito aqoonsi lagu yaqaan, waxa adduunyada iyo dalalka inagu xeeranba loogu kala dhoofayaa waa baasaboor, markaa baasaboorkaas ayaannu dalbanaynaa.”

Wasiir Cismaan Caddaani, ayaa sidoo kale sheegay in hoos loo dhigay lacagtii laga qaadi jiray dadka dhoofayaasha ah ee reer Soomaaliya, waxaannu yidhi;

“Dadka reer Soomaaliya ee safarka ah lacagtii laga qaadi jiray oo ahayd $60 doollar ayaa hoos loo dhigay, waxaanna shirkii Golaha Wasiirrada ee madaxweynuhu guddoominayey lagu go’aamiyey in laga qaado qofka reer Soomaaliya marka uu ka soo dego madaarrada diyaaradaha ee Somaliland waa $15 doollar oo qudha.”

Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa sidoo kale sharaxaad ka bixiyey qodobada khuseeyey muwaaddiniinta Somaliland ee ku jiray go’aankii ka soo baxay Golaha Wasiirrada,  isagoo tilmaamay in shirkadaha diyaaraduhu amar ku haystaan in aanay tigidh duulimaad u jari karin qofka reer Somaliland ee aan wax aqoonsi ah haysan.

“Muwaaddinka u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland ee ku soo noqonaya dalka, wax sharci ahna aan haysan oo tusaale ahaan aannu dalkaba iman intii Somaliland jirtay oo dhan, laakiin maanta uu damcay inuu yimaad dalka, kana imanayo Soomaaliya, waxa laga rabaa inuu tigidhka uu soo goosanayo soo raaciyo dukumanti (form) diyaaraddu ka buuxiso oo uu caddaynayo inuu yahay qof u dhashay Somaliland, laguna caddaynayo qof ama cid dammiin ka ah oo u dhashay Somaliland oo garanaya in qofkaasi yahay muwaaddin,” ayuu yidhi Wasiirka Duulista Somaliland.

Waxa kaloo uu sheegay in go’aannada kala duwan ee ka soo baxay Golaha Wasiirradu yihiin qaar dhaxal-gal ah, isla markaana danno badan ugu jiraan amniga iyo xasiloonida dalka, isagoo xusay in dadka ajaanibka ah looga baahan yahay inuu muddo 30 maalmood gudahood ah uu ku qaato warqadda degaanshaha dalka, haddii kale uu ka baxo Somaliland.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...