Somaliland: Madaxwayne Silaanyo oo dhagax dhigay Dhaam Biyood laga Hirgalinayo Deegaanka Xumbo-Wayne

Date:

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta dhagax dhigay Dhaam-biyood weyn oo laga dhisayo deegaanka Xumbo-wayne ee Beriga magaalada Hargeysa.

Mashruucan dhaam-biyoodka ee madaxwaynuhu dhagax dhigay ayaa loogu talo galay in lagu kaydiyo biyihii ka iman jiray buuraha ee gali jiray Badda si ay uga faa’idaystaan bulshada ku nool tuuladaasi islamarkaana ay biyahaasi kayd u noqdaan caasimada.

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo dhagax dhiga ka dib munaasibadaasi hadalka ka jeediyay waxaa uu yidhi

 “Waxaan jecelahay in aan Odayaasha Deegaanka uga mahadceliyo soo dhaweynta diiran iyo taageerada ay la barbar taagan-yihiin dawladda, taas oo inoo suurto-gelinaysa in aynu raacno dhabaha guusha meelna uga soo wada jeedno sidii dalka iyo dadkuba u dhismilahaayeen.Waxaan si weyn ugu mahadnaqayaa Dawladda Imaaraadka Carabta oo inoogu deeqday dhaamkan iyo mid kale oo laga dhisi doono deegaanka Magaalada Laascaanood. Sidoo kale, waxay ka fulin doonaan mashaariic kale oo qiimo leh goobo kale oo muhiima.”

Sidoo kale waxa halkaasi hadalo ka jeediyey Wasiirka Biyaha, Masuul ku hadlaayey afka shirkada gacanta ku haysa dhismaha dhaamka iyo Odayaasha deegaanka.

Iyadoo madaxweynaha hadhimo sharafeed balaadhan loogu sameeyey Beer weyn oo ku taala Deegaanka Xumbo weyne, isagoo madaxweynuhu shacabka deegaanka ku dhaqan kala hadlay barxad weyn oo ay isugu soo baxeen loona qorsheyey in madaxweynaha lagu soo dhaweeyo, halkaas oo ay isugu yimaadeen dad aad u tiro badan oo jewi wanaagsan iyo farxad ku qaabiley madaxweynaha iyo weftigiisa.

Weftigan uu hogaaminayay Madaxwayne Siilaanyo ee saaka magaalada Hargeysa uga Baxay dhagax dhiga dhaam biyoodkan ayaa markii dambe kusoo guryo noqday magaalada Hargeysa.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...