Cuqaasha iyo wax-garadka deegaanada Buuhoodle ayaa ka hadlay xaalada iyo adeegyada bulshada ee deegaanadaasi.
war-murtiyeed ay kaga hadlayaan xaalada Gobolka Buuhoodle iyo adeegyada deegaanadaasi oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhey Xafiiska Warqabadka Himilo waxaa uu u dhignaa Sidan:-
“Guud ahaan xaaladda guud ee gobolku waa nabadgelyo, nabadaasina waxay ka soo bilaabatay shirwaynihii Coodanle natiijadiisii. Intii ka danbaysayna waxaa dhacay saddex gacmood kuwaas oo laba ka mid ahna ay wanaag ku dhamaadeen, ta kalena xaajadeedii lagu jiro meel fiicana ay marayso. Run ahaantiina ma jiro wax mar wada dhamaadaa hase ahaatee colaadii guunka ahayd ee aan meel loo raaco lahayni jirin, waxay noqotay mid maanta lagu kala jid qaadanayo qof walibana waxa uu gaysto ay isaga gaar u tahay sida shirwaynahaa nabadeed qodobadiisii ku xusnaa”.
Marka la eego dhinacyada baahiyaha adeega bulshadda iyo tayaynta maamulka ee Buuhoodle uu hakad ku kaga jiro dhinaca xukuumada Somaliland ee bulshada Buuhoodle ay diyaar u tahay inay wax la qabsato xukuumada, waayo waxaan jirin maamul tayo leh kaasi oo ay noogu muuqato inay ka maqan tahay awoodii ka shaqaysiineed ee xukuumada. Waxaan jirin gebi ahaanba ciidankii booliska oo garab-na siin lahaa marka wax dhacaan, mana jiro wax maamul ah oo heer gobol iyo heer degmo oo gobolkan ka hawl galaa sababtaasna, waa mid aanu dhaliisheeda saarayno xukuumada.
Waxaa kale oo uu caaqilku xusay in ay jiraan oo aanu ognahay in dhamaan maamulka iyo hay’adaha dawliga ah oo dhami wada magacaaban yihiin hadana aanu jirin hal xafiis oo shaqeeyaa. Waxaanu yidhi “Badhasaabkii, taliyihii qaybta booliska iyo maayorkiiba waxay muddo dhawr bilood ah ku soo maqan yihiin caasimada Hargaysa waxaanuna u qabnaa inay ku fadhiyaan halkaa wax ka qabyo ah oo u qabsoomi la’a. waayo waa maamul oo haddii aan joogistooda la ogayn iyo sabab ay u joogaan iskama fadhiyeen, ee amar dawladeed ayay ku shaqeeyaan”.ayuu yidhi Caaqil Cabdicasiis Jaamac oo ka mida cuqaasha baaqan soo saartay islamarkaana warbaahinta u akhriyey.
Magacyadda Cuqaasha baaqa soo dirtay waxay kala ahaayeen
- Caaqil C/casiis Jaamac Axmed
- Caaqil Cawil Maxamed Xasan Dayl
- Caaqil Faarax Maxamed Aadan Caws
- Caaqil Maxamed Nuux Maxamed (sanwayne)
- Caaqil Maxamed Ismacil Gurux
- Caaqil Axmed Diiriye Jiije
- Caaqil Axmed Cabdi Hiirad
- Caaqil Axmed Xasan X Cumar
- Caaqil C/Khaalaq Ismaaciil Muuse.