Somaliland: Khilaafkii UCID Oo La Furdaamiyay Iyo Salaadiin Ku Dhawaaqday Heshiis Aan Qoddobo Lahayn

Date:

“Waxa Loo Baahan Yahay Labada Reer Ee Is-bahaystay Inay Xisbiga UCID Ka Soo Dhalaalaan Oo Ay Dhistaan”

Khilaafkii xisbiga UCID ee u dhaxeeyay Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Murrashax Jamaal Cali Xuseen, ayaa shalay lagu dhawaaqay in la furdaamiyay oo heshiis laga gaadhay, iyadoo khilaafkan loo maareeyay hanaan beeleed oo ay labada dhinac u kala dab-qaadeen salaadiinta labada beelood ee labadaas masuul ka soo kala jeedaan.

Khilaafkan oo ka dhashay markii uu dhawaan Faysal Cali Waraabe shaaciyay in lagu tartami doono murrashaxnimadda jagada madaxweynaha xisbiga UCID. Halka Jamaal Cali Xuseen uu isna ku dooday in murrashaxa madaxweynaha hore loogu doortay oo aanay caqli gal ahayn in lagula tartamo murrashaxnimadiisa oo uu ku dooday in Golaha dhexe ansixiyeen.

Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir iyo Suldaan Shariif Batuun oo soo kala jeeda labada ardaa ee Guddoomiyaha UCID iyo Jamaal Cali Xuseen, oo shalay si wada jira warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay in is-af-garad iyo heshiis laga gaadhay khilaafkii u dhexeeyay madaxda xisbiga UCID, isla markaana aanu jirin haatan khilaaf ka dhex taagan masuuliyiinta xisbigaas.

“Beryahan dambe waxaa jiray khilaaf xisbiga UCID dhexdiisa ka jiray. Maanta (shalay) ayaan soo af-jarnay, wax khilaaf ahina ma jiro, waana la isku gacan qaaday. Sidii Guddoomiyaha xisbigu uu sheegay waxa uu yidhi Jamaal ayaa murrashax ah, anigu musharax ma ihi. Laakiin guddoomiyihii xisbiga ayaan ahay, golaha dhexena wuu dhisan yahay, inta ka dhimana waa la dhisi doonaa. Laakiin af-kiisa ka maan maqal anigaa musharax ah. Dadkuna wax aan jirin ayay iskaga hadlaan. Faysal waa ka beri arrinta lagu eedaynayo,”Ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir.

Suldaan Maxamed waxa uu sheegay in uu maalintii Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen, Heshiiska kala saxeexdeen uu goob joog ka ahaa, waxaanu yidhi “Heshiiska maalintii ay Jamaal wada galeen Faysal waan fadhinay, aniga iyo Xaaji Cabdi Waraabe. Laba qof inay heshiiyaan macno ma laha, labadaa qof ee heshiiyay.

Beello dhan ayaa heshiisay, arrinkani waa arrin siyaasiya, waa xisbi dhan, laakiin waxaa loo baahan yahay labadaa reer ee is-bahaystay in xisbiga UCID ka soo dhalaalaan, oo ay dhistaan.”

Sidoo kale Suldaan Shariif Batuun, ayaa isna sheegay in la iskaga garaabay khilaafkii ka dhex jiray xisbiga UCID isla markaana wixii hadhsana la dhamayn doono.

Waxaanu yidhi “Hawshii beryahan ka jirtay xisbiga UCID, ee mudada aan u soo wadnay, ee labada dhinac ahayd si wanaagsan oo is-af-garada ah, oo midho-dhali doonta ayay ku dhammaatay. Wixii hadhsana si hawl yar ayay u dhammaanaysaa. Si wanaagsan ayaa la iskaga garaabay, oo sidii labada reer ahaan jireen ah.”

Salaadiintani may soo bandhigin wax qoddobo ah oo heshiiskan ay ku dhawaaqeen lagu xoojinayo. Sidoo kale illaa imika lama garanayo inay labadii dhinac ee khilaafka UCID u dhaxeeyay ay aqbali doon aan heshiiskan iyo in kale.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...