Somaliland: Kulankii Safiirrada Somaliland Uga Socday Hargeysa Oo La Soo Gabagabeeyay.

Date:

Shir muddo afar maalmood ah u socday danjireyaasha  Somaliland u fadhiya dalalka dibada oo lagu faaqidayo qorsheyaasha siyaasadeed ee wasaarada arrimaha  dibadda ayaa shalay la soo gabo-gabeeyay  Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa.

Shirkan oo uu furay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa lagu falan-qeeyay qorsheyaasha iyo himiladda wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland. Waxaanu wasiirku sheegay in qasdiga iyo ujeedada shirkan laga lahaa ay tahay sidii loo dejin lahaa siyaasadda khaarajiga.

7bc21ac2-3f30-4663-9e2c-6d040754de49

Wasiirka wasaarada arrimaha dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo xidhitaankii shirkaasi ka hadlay  ayaa waxa uu akhriyay qoddobadii shirka laga soo saaray iyo tallooyinkii  laga soo jeediyay mudadii uu socday, waxaanay u dhignaayeen sidan:-

  1. Somaliland saaxada caalamka ha ka muuqato
  2. Saaxiibadii Afrika aynu ku lahaan jirnay xidhiidhkoodii dib ha loo bilaabo oo ay ka mid yihiin  South Afrika, Ghana, Sambia,  Sinigaal iyo Nigeria. Saaxiibadaa aan ku marti qaadno doorashada soo socota sidii ay innoogala soo qeyb-geli jireen doorashooyinkii hore.
  3.  Aan ka faa’iidaysano dadka Somaliland ka soo jeeda ee meelaha sare jooga ama ganacsatada wadamada kale jooga si ay xidhiidh innoogu sameeyaan.
  4. Caalamka kaalin mug leh ayaynu kaga jirnaa oo ah ilaalinta nabada ee kaadhkaa aan isticmaalno.
  5. Saaxiibadeenna Somalia jooga sidii aynnu barigii hore ula xidhiidhi  jirnay ee aan hawl-gelin jirnay ha laga fikiro sidii loo hawl-gelin lahaa.
  6. Wada hadalada innaga iyo Somalia innoo bilaabmay ha la dardargaliyo.
  7. Wakiiladeenna dibada inoo jooga si fiican ha loo maalgaliyo si wakhtigooda ay u siiyaan qadiyada Somaliland.
  8. Wakiiladeena dibada jooga waa inay la shaqeeyaan madaxda Somaliland oo dhan. Haddii ay yihiin kuwa axsaabta Mucaaradka ah iyo haddii ay yihiin kuwa ka socda xisbiga muxaafidka ah iyo xukuumaddaba.

Shirkan waxa kale oo ka soo qeyb galay Wasiirradii hore ee khaarajiga Somaliland, Xildhibaanno ka socday Goleyaasha Baarlamaanka iyo saraakiil ka socday saddexda xisbi qaran. Duruustii danjireyaasha lagu siiyay tabobarkan waxa macalimiin ka ahaa Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cawil Cali Ducaalle, Dr. Xuseen Bulxan Iyo Cabdilaahi Aadan Cumar (Wayab).

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...