Somaliland: Wasiirka Macdanta Oo Ka War Bixiyey Socdaal Uu ku Tagay Wadanka Talyaaniga iyo Natiijada Uga Soo Baxday

Date:

Wasiirka wasaarada macdanta iyo tamarta somaliland Xuseen Cabdi Ducaale ayaa ka war bixiyey safar uu ku tagay wadanka Talyaaniga.

Wasiirka macdanta iyo tamarta oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa waxa kale oo uu ka waramay shir uu kaga qayb galay wadanka Ingiriiska kaas oo la xidhiidha aqoonsigii ay somaliland ka heshay golaha deegaanka Tower Hamlet oo lagu qabtay dalka Ingiriiska.

Wasiirka macdanta iyo tamarta somaliland ayaa ugu horayn hadalkiisa ku bilaabay

“Waxaan ku maqnaa socdaal qaatay mudo toban cisho ah oo aan ku soo maray dalalka Ingiriiska iyo Talyaaniga, socdaalka qaybtiisa hore waxana ku tagay wadanka Ingiriiska aniga oo uu I wehelinayo wasiir ku xigeenka arimaha dibada Ingiriiska ayaa waxaanu ka qayb galnay munaasibad loo qabtay aqoonsigii ay somaliland ka heshay Tower Hamlet.”

Wasiirka macdanta iyo tamarta somaliland Xuseen Cabdi Ducaale oo hadalkiisa sii wata ayaa ka waramay socdaalkii uu ku tagay wadanka Talyaaniga waxaanu yidhi

“socdaalkii aan ku tagay talyaanigu waxa uu qaatay shan cisho, waxaanan ku tagay martiqaad rasmi ah oo aan ka helay shirkado doonaya inay mashaariic ku saabsan tamarta ka hir geliyaan somaliland, mudana samaynayey daraasad aanu ka wada soconay oo la xidiidha dabaysha dalkeena ka dhacda, xawligeeda iyo in laga dhalin karo tamar ganacsi gali karta, daraasadaas oo niman khubaro ahi muddo ka shaqaynayeen kuwaas oo imika ku qancay in dabaysha dalkeena ka dhacda iyo inta aynu sanadkii heli karno dabayl iyaga oo daraasada ka samaynayey magaaladda Hargeysa , waxaanay ku qanceen in dabaysha laga dhalin karo koronto laga ganacsan karo.”

Wasiirka macdanta iyo tamarta somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey

“Shirkada hawshan nala qabanaysay ee arintan qaban qaabisay oo dalkana muddo ka samaynayey daraasada dabaysha waxa la yidhaa Thing Global, waana niman khibrad u leh dalka oo fahmay xasiloonida dalka iyo amnigiisa iyo inuu yahay dal wax laga qaban karo, kuwaas oo ku qanciyey shirkadihii la xidhnaa in dalkani uu yahay dal la maal gashan karo.”

Ugu danbayna Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale ayaa ka hadlay natiijada uu ka filan karo socdaalkii uu ku tagay talyaaniga waxaanu yidhi

“Natiijada ka soo baxday socdaalkayga waxa weeyaan dal aynaan hore wax xidhiidh ah la yeelan, waanay jirtaa inay wasaarada arimaha dibbadu ay baxeen oo ay shirar la yeesheen wasaarada dhigooda ah laakiin wax ku saabsan mashaariic horumarineed oo aynu ugu tagnay dalka Talyaaniga waa kii ugu horeeyey, waxaanan ku rajo weynahay inay natiijo inooga soo bixi doonto.”

12316317_483525605160004_4187108117949134434_n 12310455_483525761826655_3887638594664134160_n 12308647_483525561826675_3736171512983706586_n 12294722_483525545160010_1715205621859158368_n

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...