Somaliland: Dagaal Xooggan Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Qarxay Gobolka Sanaag + Masaajid Iyo Goobo Kale Oo La Gubay

Date:

Dagaal xooggan ayaa waaberigii hore ee saaka waxaa uu ka qarxay deegaan lagu magacaabo Waqdariye oo ka tirsan Gobolka Sanaag, waxaana oo u dhexeeyaa laba Maleeshiyo beeleed oo halkaas wada-dega.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegayaa inuu salka ku hayo dul-daaqsimeed ku yaalla deegaanka Waqdariye iyo tuulooyin kale, waxaana Maleeshiyaadka ay dagaalka isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay dagaalka oo weli socda, sidoo kalena la maqlayo jugta rasaas xooggan oo ay isdhaafsnayaan labada dhinac, sida ay dadka deegaanku u sheegeen Somalilandtoday.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dab la qabadsiiyay qeybo kamid ah deegaanka Waqdariye ee Gobolka Sanaag, waxaana la sheegayaa in meelaha la gubay uu kamid ahaa Masaajid ku yaalla halkaas.

Dagaalka ka socda deeghaanka Waqdariye ee u dhexeeya Maleeshiyo beeleedka ayaa waxaa uu yahay mid dhowr jeer soo noq-noqday, wuxuuna salka ku haaya dul-daaqsimeed iyo dilal hore oo la xidhiidha aanooyin qabiil

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...