Somaliland: Xafladda Soo Bandhigidda Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga WADDANI oo Hargeysa Lagu Qabtay

Date:

Xaflad ballaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay isla mar ahaantaana lagu soo bandhigaayo barnaamij siyaasadeedka uu xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI uu ku geli doono doorashoyinka la filaayo in ay dalka ka qabsoomaan horraanta 2017ka, ayaa hadda si rasmi ah uga furantay hotel Guuleed ee magaalada Hargeysa.

Displaying IMG_6191.JPGWaxaana ka soo qeyb-galay guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland  ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), hoggaanada xisbiga, guddida fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta, xildhibbaano, mas’uuliyiinta iyo ardayda jaamacadaha dalka, madax-dhaqameed, wax-garad, aqoonyahan, culimaa-awdiin, ganacsato, iyo taageerayaal kale oo aad u tira badan.

12279170_1064058350285027_5805220394688333014_n

Displaying IMG_6288.JPGGuddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan Cirro, oo ugu horeyn furay munaasibaddii shirka, ayaa si sheegay in barnaamijkan uu soo bandhigaayo xisbiga WADDANI aanu ahayn mid ka yimi fikir gaara oo cid kali ahi iska leedahay, waxaana uu tilmaamay in laga soo uruuriyey garaadka iyo afkaarta kala duwan ee dhammaanba qeybaha kala duwan ee bulshada Somaliland, isaga oo carabka ku dhuftay in barnaamijkani uu guud ahaan dalka u horseedi doono horumar, caddaalad, sinnaan iyo in ay Somaliland bulshada caalamka ka hesho ictiraaf buuxa.

Displaying IMG_6292.JPGDisplaying IMG_6289.JPG“Barnaamijkani maaha feker qof keliya, waa isu-geynta garaadkeenna iyo afkaarteenna, cidii aan u hore uga dhiiban fekerkooda gacmo furan baan lagu soo dhaweeynayaa ka qayb qaadashadooda, waana u furan tahay dhamaan xubnaha iyo taageerayasha xisbiga iyo shacbi weynaha reer Somaliland, waa badeecad aan wada leenahay.”.Ayuu yidhi guddoomiye Cirro.

12295439_876008535846067_1869318143347838747_n

Displaying IMG_6294.JPGDisplaying IMG_6296.JPGMd.Cabdiraxmaan Cirro, waxaa kale oo uu tilmaamay in barnaamijka xisbiga WADDANI uu ku salaysan yahya mabaadiida guud ee dhaqanka Somaliland iyo sida oo kale illaalinta diinta Islaamka, waxaana uu yidhi:

“Barnaamijka siyaasiga ah ee Xisbiga WADDANI  waxa uu ku saleysan yahay mabaadiida  Guud ee xisbigu ku dhisan yahay oo  u badbaadinta shacbigiisa  hantidiisa ugu qaalisan oo ah dhaqankiisa wanaagsan iyo diintiisa Islaamka . Waxa uu u dhisayaa qaran iyo shacbi mideysan oo ka fayow qabyaalad iyo qayb sooc. Barnaamijku wuxuu dalka ku hogaamin doonaa cadaalad, horumar iyo ictiraaf.”.

12278796_1064058486951680_719924342724514849_n

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...