Somaliland: Dawladda Turkiga oo wadahadaladii Somaliland iyo Somalia u qabanaysa Madax dhaqameedka labada Dal Toddobaadka soo socda

Date:

Sarkaalka u qaabilsan Turkiga wadahalada oo dhawaan Muqdisho iyo Hargeysa kula shiraya salaadiinta labada Dal.

warar hordhac ah oo laga helayo wadahadaladii joogsaday ee Somaliland iyo Somaliya ayaa la sheegayaa inay Dawladda Turkigu doonayso inay Toddobaadka soo socda bilowdo, iyadoo u dhigaysa waji ka duwan kii hore ee labada Dawladood ay u qabatay.

Inkasta oo aanay jirin war ka soo baxay dhinacyada ay khusayaa, hadana waxa ifafaale ka soo baxay socdaal uu dhawaan ku imanyo Somaliland iyo Somaliya ergayga u qaabilsanaa wadahadaladaas la filayaa in uu kula kulmo Salaadiinta labada Dal.

Ilo wareed u dhuun daloola qorshaha Dawladda Turkigu wado ayaa sheegaya in Ergayga dabada ka riixaya hawshani ku soo horayn doono muqdisho, halkaas oo uu kulankiisa ugu horeeya kula yeelan doono Madax dhaqameedka Somaliya, kadib na uu u soo gudbi doono Hargeysa oo loogu sii diyaariyey kulan kaas la mid ah.

Lama oga ujeedada rasmiga ah ee ka danbaysa kulamadani inay la xidhiidho siyaasiyiinta labada Dali nay isaga riixeen dhinaca dhaqanka iyo inay Dawladda Turkigu u aragtay inay tahay Gol-jilicda ay ka gali karto ka midho dhalinta qorshaheeda wadahadalada oo ka socon waayey dhinaca siyaasiyiinta.

Somaliland ayaa hore u sheegtay inay ka baxday wadahadaladii kadib markii ay ku eedaysay inay Dawladda Somaliya jabisay qoddobadii halbawlaha u ahaa wadahadalka, inkasta oo kulan dhawaan dhicisoobay oo ka dhacay Turkiga lagaga wadahadlay dhinaca Hawada, kaasoo aan sii dhaqayn.

Dawladda Turkiga ayaa xafiiskeeda Hargeysa ku bixisa Fiisaha Dalkeeda, waxaanay siisaa dadweynaha iyo madaxda doonaya inay dalkeeda u safraan, inkasta oo ay ku xidho aqoonsiga muwaadinimo ee Somaliland, hadana waxay ku bixisaa baasaaboorka Somaliya oo ah ka ay aqoonsan yihiin.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...