Musharaxiinta isbahaystay ee Kulmiye oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa waxay ka soo horjeesteen hanaanka loo maamulay qabanqaabada shirka golaha dhexe ee Kulmiye oo la filayo inuu maalin ka dib Hargeysa ka furmo.
Musharaxiinta Axmed Nur Kijaandhe , Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Maxamed Biixi Yoonis oo ka mid ah musharaxiinta u tartamaya jagada madaxweynenimo ee xisbiga Kulmiye dhexdiisa ayaa shaaciyay in aanay ka qaybgalayn shirka Golaha dhexe ee maalinta Salaasada lagu wado in uu ka furmo magaalada Hargeisa.
Musharaxiintan ayaa diidamadooda ku sababeeyay inaan qabsoomidda shirkaasi aan la waafajin shuruucda xisbiga gaar ahaana xeer hoosaadka Kulmiye.
Shirka golaha dhexe ee Kulmiye ayaa 10-ka bishan ka furmaya hotelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, sida garabka guddoomiye Muuse Biixi dhawaan sheegay, lagana dareemayo qabanqaabadiisa.