Somaliland: Siyaasiyiin Iyo Masuuliyiin Xilal Soo Qabtay Oo Maanta Ku Biiraya Xisbiga WADDANI Iyo Shan Wasiir Oo Soo Maray Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Ku Kulmay Xisbiga WADDANI+Magacyadooda

Masuuliyiinta xisbiga WADDANI ayaa maanta xaflad soo dhawayn ah oo balaadhan waxay u qabanayaan siyaasiyiin culus iyo masuuliyiin xilal soo qabtay oo cududooda taageero kusoo biiriyay xisbiga WADDANI.

Siyaasiyiinta iyo masuuliyiintan maanta kusoo biiraya xisbiga WADDANI ayaa waxa maalmihii u danbeeyey qaban-qaabada xafladda soo dhawaynta ah waxa laga dareemayay magaalada Hargeysa,iyaga oo siyaasiyiintan iyo masuuliyiintan maanta  kusoo biirayaana ay yihiin siyaasiyiin mug iyo miisaan ku leh dalka isla markaana xilal kala duwan kasoo qabtay Qaranka.

Waxaana siyaasiyiintan maanta kusoo biiraya WADDANI ee xafladda loogu qabanayo Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa hogaaminaya Siyaasi Cabdilaahi Cirro iyo Siyaasi Axmed Jaambiir Suldaan oo labadooduba xilal wasiirnimo kasoo qabtay wasaaradda Arirmaha gudaha Somaliland,waxaana ay si rasmi ah cududooda taageero ugu  biiriyeen WADDANI.

Xisbiga WADDANI ayaa waxa ku kulmay wakhti xaadirkan shan masuul oo xilka wasiirnimo ee wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland soo qabtay,kuwaas oo iskaga kala danbeeyey wasaaradda,waxaana ay hadda dhamaantood ka tirsan yihiin xisbiga WADDANI.

Shanta masuul ee iskaga kala danbeeyey wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa waxay kala yihiin  Maxamed Cabdi Gaboose, Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare),Axmed Jaambiir Suldaan, Maxamed Caraale Duur iyo Cabdilaahi Cirro.

Siyaasiyiinta Cabdilaahi Cirro iyo Ismaaciil Yare ayaa waxay xilka wasaaradda arrimaha gudaha soo qabteen wakhtigii dawladii Riyaale,halka Maxamed Cabdi Gaboose iyo Maxamed Caraale Duur ay iyaguna soo qabteen xilka wasaaradda wakhtiga xukuumadda madaxwayne Siilaanyo, Siyaasiga Axmed Jaambiir Suldaan ayaa isna waxa uu wasiirka arrimaha gudaha ahaa wakhtigii dawladiii allah haw naxaxriistii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Shantan masuul oo saamayn ku leh siyaasadda Somaliland ayaa wakhti xaadirkan kamid ah xisbiga WADDANI,iyaga oo labadii ugu danbeeyey maanta xaflad soo dhawayn ah xisbiga WADDANI u qabanayo kuwaas oo kala ah siyaasi Cabdilaahi Cirro iyo Siyaasi Axmed Jaambiir Suldaan.

Comments

comments