Updated: Toboneeyo Wasiir oo ay Hogaaminayaan Maxamed Biixi Yoonis iyo Xirsi Cali X. Xasan iyo Afhayeen Madaxweynaha oo Is casilay.

Date:

Garabkii ay Hogaaminayeen Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali X. Xasan iyo Afar Wasiir iyo Afhayeenka Madaxweynaha ayaa iska Casilay Xilkii Wasiir Nimo ee ay ka hayeen Xukuumada Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo.

Wasiirada Xilka Iska Calisay ila Hadda ayaa kala ah:

1- Wasiirka Arimaah Dibada Maxamed Biixi Yoonis ,

2- Wasiiraka Madaxtooyada Xirsi Cali X. Xasan,

3- Wasiirka Sahaqada iyo Arimaha Bulshada Dr Cabdi Aw Daahir,

4- Wasiiraka Cadaalada Xuseen Axmed Caydiid,

5- Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan

6- Wasiirka Waxbarashadda Faarax Cilmi Geedoole

7- Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirasaaq Khaliif Ahmed

8- Wasiirku xigeenka Dibu Degjinta Nimco Xuseen Qawdhan,

9- Wasiir ku xigeen Deegaanka Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan;

10- Afhayeenka Madaxweynaha JSL

Wasiiradda ayaa Hadda Shirjaraa’id oo ay qabayaa ku shaaciyey is Casilaadooda, Arintan ayaa timid ka dib markii uu Madaxweyne Siilaanyo Amar ku siiyey Wasiirada Beeshiisa inay Taageeraan Muuse Biixi hadii kale uu talaabo ka qaadi doono.

Related: Loolanka Kulmiye: Madaxweyne Siilaanyo Oo Si Rasmi Ah U Caddeeyey Taageerada Musharrax Muuse Biixi Cabdi, Kuna Wargeliyey 8 Wasiir Oo Uu Xalay Qasriga Madaxtooyada Kula Kulmay

Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Xirsi Cali X. Xasan ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyey bartiisa facebook waxa uu ku caddeeyey in uu iska casilay xilkii wasiirnimo ee uu ka hayey xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.

Qoraalkiisa waxa uu wasiir Xirsi ku sheegay in uu ku qancay in uu is casilo, waxaanu uga mahadnaqay madaxweynaha muddadii ay wada shaqeeyeen.

Akhri qoraalka Xirsi:

“XIL KA TAGIS…

Xilka ayey xeerkiisa tahay in aad si xilkasnimo leh u gudato waajibaadkiisa una hagar baxdo u adeegida danaha qaranka.

Waxaan ku qancay in aan si rasmi ah isaga casilo shaqadii aan qaranka u hayey ee Wasaarada Madaxtooyada JSL muddadii shanta sano iyo dheeraadka ahayd.

Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha JSL, hogaanka Xisbiga Kulmiye, hawladeenada Wasaarada Madaxtooyada iyo guud ahaanba cid kasta oo aan soo wada shaqaynay mudadii aan xilka hayey.

Alla Mahad leh

Wa Bilaahi Tawfiiq”

Warkan Wixii Ka soo Kordha Dib ayaanu idiinaka Soo Gudbin Doona

CodkaSomaliland

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...