Somaliland: Nuxurka Kulan Dhexmaray Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Iyo Masuuliyiin ka Tirsan Xisbiga Waddani

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici iyo masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Waddani ayaa kulan albaabadu u xidhanyihiin ku yeeshay aqalka uu madaxwayne ku xigeenka ka deganyahay magaalada Hargeysa.
Kulankan oo lagaga wadahadlayay xaalada guud ee dalka, rabshadihii todobaadkan ka dhacay magaalada Boorama, wareejinta haamaha shidaalka ee muranka badan ka dhalisay gobalka Saaxil iyo xaalada amni daro oo ka jira magaalada Ceerigaabo ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa saxaafada la hadlay guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed oo ka warbixiyay ujeedada kulankoodan.

“Runtii sababta aanu halkan na keentay ee maanta aanu ugu nimid madaxwayne ku xigeenka, waxaa weeyi markaanu aragnay xaalada dalku marayo, dhibaatada dhacaysa, dhiiga maalin walba ka qubanaya magaalada Boorama ayaa ka xisbi (Waddani) ahaan aanu ka tashanay inaanu la kulano ku simaha madaxwaynaha ahna madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland.” Ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.

Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani oo hadalkiisa sii wataana waxaa uuu intaasi ku daray

“si aanu ugala hadalno xaalada uu dalku marayo dhibaatada taagan. Runtii si wanaagsan ayuu madaxwayne ku xigeenku noosoo dhaweeyay waanu naga aqbalay wixii talo ah ee aanu haynay, wuxuuna madaxwayne ku xigeenku noo sheegay inay talaabo degdega oo ay arintaasi kaga gudbayaan qaadi doonaan”.

Geesta kale, xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Maxamed Uurcade ayaa sheegay in madaxwayne kuxigeenku kala hadleen wareejinta haamaha shidaalka islamarkaana uu madaxwayne ku xigeenku u balanqaaday inuu si degdega wax uga qabandoono xaalada dalka.

“Waxaanu la kulanay madaxwayne ku xigeenka waxaanu kala hadalnay xaalada ka taagan gobolada Awdal iyo Saaxil oo ah Berbera oo aanu ka hadlaynay arinta haamaha oo dhib wayni ka taaganyahay, wixii talo ah iyo tusaale ah waanu siinay, waxaanu noo balanqaaday inuu hawlahaa wax ka qaban doono, waxaa kale oo aanu kala hadalnay Ceerigaabo oo uu noo balanqaaday in wixii xukuumada kaga soo beegma ay wax ka qaban doonaan”ayuu yidhi xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Maxamed Uurcade.

Comments

comments