Somaliland: Bayaan Culus Oo Uu Soo Saaray Guddiga Golaha Midaynta Dhulbahante

Khatumo leader Prof Galayd says its time to give peach a chance

“Dhulbahante waxa uga qayb gelaya wadahadalka 55 xubnood, waxaana hogaamin doonna Prof.Cali Khaliif Galaydh iyo Prof.Cali Ciise Cabdi.”

“Laga bilaabo taariikhda go’aankan waxa loo gudbay ku xisaabtanka qalinka, waxaana meesha ka baxaya xabadii iyo colaadii ku saabsanayd siyaasadda”

Guddi lagu magacaabo Guddiga fulinta ee golaha middaynta beelaha Dhulbahante ayaa soo saaray bayaan cad oo muujinaya in la gaadhay xilligii ay beelahaasi dhinac isugu luga duwan lahaayeen, isla markaana ay wadahadal toos ah la geli lahaayeen Somaliland.

Bayaankaa oo ay ku saxeexan yihiin Gudoomiyaha guddigaa Dr Faarax Cali Shire, Gudoomiye xigeenka guddigaa Chief Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Dheeg, Xoghayaha Guddiga Fulinta Jaamac Ismaaciil Dhible iyo Afhayeenka Chief Caaqil Cabdillaahi Yuusuf Kooreeye, waxa lagu socodsiiyay Madaxa kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, Isimadda iyo waxgaradka beelaha Dhulbahante, waxaanuu  u dhignaa sidan; “ Ujeeddo: Go,aamadda guddiga fulinta ee golaha middaynta Dhulbahante

Golaha midaynta siyaasadda Dhulbahante waxa la sameeyay 9. 01.2015, goobtuna waxay ahayd Laascaanood. Goluhu wuxuu magacaabay guddi fulineed oo soo baadha xaaladda siyaasadeed ee beeshu ku sugantay, isla markaana go,aamo rasmiya ka soo saarta mustaqbalka iyo iyo wadajirka beesha. Guddigu wuxuu yool ka dhigtay afar qodob oo kala ah;

  1. Sidii loo midayn lahaa deegaannada Dhulbahante oo ay hadda kala xukumaan Somaliland iyo Puntland.
  2. Sidii dhulbahante uga tashan lahaa hab dhaqanka Isimadda iyo maamuladda ay kala aaddeen.
  3. Maamulka ugu haboon ee Dhulbahante gorgortan siyaasadeed la galo.
  4. Tallooyinka lagu gaadhi karo midnimadda beesha.

Guddiga waxay ku qaadatay muddo lix bilood ah sidii ay xal ugu heli lahaayeen qodobadaa. Guddigu waxay qodobadaa dhex dhigeen dadweynaha Dhulbahante, isla markaana wax aka soo baxday qiyaastan.

  1. Boqolkiiba 95% waxay ogolaadeen go,aanadda guddiga ee hoos ku qoran.
  2. Boqolkiiba 5% waxay soo jeediyeen in Dhulbahante iska ahaado sida uu hadda yahay, iyagoo kala wata dano kala duwan sida;
  • Koox yar oo aaminsan in cid kastaa Dhulbahante la col tahay.
  • Koox yar oo sadexda maamul u kala shaqaysa.
  • Koox ay ku qufulantay hebel baa sidaa yidhi.

Haddaba anaga oo fulinayna aragtida inta badan oo dhan 95%, waxaanu cid kasta u cadaynaynaa go,aamadan;

Go,aanka Koowaad

1.1. Dhulbahante wuxuu 95% isku raacay inuu si buuxda uga mid noqdo jamhuuriyadda Somaliland.

1.2. Madaxda Somaliland waxa waajib ku ah inay maamulka dawladda gaadhsiiso deegaamada bariga goboladda Sool, Sanaag, Buuhoodle iyo Xaysimo oo dhan.

1.3. Xukuumadda iyo Komishanka waxa waajib ku ah inay kaadhadhka dhalashada  iyo cod bixinta gaadhsiiyaan  deegaanada Dhulbahante oo dhan si ay doorashadu  mid xor iyo xalaal ah.

1.4. Guddiga beesha waxa waajib ku ah hirgelinta iyo ka qayb qaadashada doorashooyinka.

Go,aanka labaad

2.1  Guddigu wuxuu ogolaaday saxeexyadii Isimadda ee ugu horeeyay ee ay Burco ku galeen 18.may.1991, kaasoo cadaynayay gooni isu taaga Somaliland.

2.2  Guddigu wuxuu tirtiray saxeexyadii Isimadda Dhulbahante la galeen Puntland iyo dawladda soomaaliya.

2.3  Isimadda Dhulbahante shaqo kuma laha siyaasada, marka laga reebo goob joog ahaan, talo soo jeedin iyo duco sidii dhaqanku ahaan jiray.

2.4  Guddiga shirarka waxa hogaamin doona Prof. Cali Khaliif Galaydh iyo Prof. Cali Ciise Cabdi iyo guddiga fulinta ee midaynta.

Go,aanka Sadexaad

3.1  Dhulbahante wuxuu shir siyaasadeed la galayaa Madaxweynaha, xukuumadda dhexe iyo ciddii kale ee looga maarmi waayo.

3.2   Dhulbahante wuxuu soo diyaarsaday 13 qodob oo dan guud iyo mid deegaan ah, oo ay saldhig u yihiin saamigii xubnihii baarlamaanka ee 1960 oo ahaa 33 xildhibaan.

3.3   Guddigu wuxuu halkan ku cadaynayaa 3 qodob oo ka mid ah 13 qodob.

  • Jiritaanka  Somaliland waa muqadas lama taabtaan ah.
  • Xuduudaha Somaliland waa midkii Ingiriiska iyo Talyaanigu kala qorteen.
  • Qodobadda ay ku heshiiyaan ergadda Dhulbahante iyo xukuumaddu waxa wada ogolaanaya, wadana saxeexaya sadexda gole qaran, waana inay noqdaan lifaaq ka mid ah distoorka qaranka muddo boqol sano ah.

3.4. Waxaa Dhulbahante shirka turxaan bixinta siyaasadeed iyo nabadgelyo uga qayb geli      doonna Cuqaal, Aqoonyahano iyo wax garad ka kooban 55 xubnood.

Go,aanka Afraad

4.1. Laga bilaabo taariikhda go,aankan waxa loo gudbay ku xisaabtanka qalinka, waxaana meesha ka baxaya xabadii iyo colaadii ku saabsanayd siyaasadda.

4.2. Waxa waajib ah inay beelaha Dhulbahante diidaan dagaal dambe oo ay amraan ragga wiilashoodii jaamacadaha u dirsaday.

4.3. Cadaaladda Somaliland waxa saldhig u ah 33 xildhibaan ee 1960, waxaana loo kala lahaa sidan hoos ku qoran;

  • Beelaha Isaaq 21 xubnood
  • Beelaha Dhulbahante 5 xubnood
  • Beelaha Samaroon 3 xubnood
  • Beelaha Ciise 2 xubnood
  • Beelaha warsangeli 2 xubnood.

Dhulbahante wuxuu ku xisaabtamayaa saamigiisa oo dhinac kastaba buuxa.”

screenshot-www.codkasomaliland.com 2015-09-02 18-23-41

Comments

comments