Somaliland: Maayar ku xigeenka Caasimada Somaliland oo la kulmay Maayarka Sheffield

Date:

Maayar ku xigeenka Caasimada Somaliland ee Hargeysa Mudane Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagaweyne) oo in dhawaydba hawlo shaqo u joogay Dalka Uk ayaa kulan balaadhan la qaatay Maayarka Sheffield Mr Talib Hussain kaas oo ka dhacay hoolkii ay golaha deegaanka Sheffield ku aqoonsadeen Somaliland.

12047150_839916219455566_8359489738583698236_n

Kulankan ayaa ku salaysnaa martiqaad rasmi ah oo uu maayar ku xigeenku ka helay maayarka Sheffield, waxaanay ka wada hadleen sidii loo midayn lahaa labada magaalo ee Hargeysa iyo Sheffield laysagana kaashan lahaa sidii xidhiidh joogto ah u dhex mari lahaa golaha deegaanka Caasimada Hargeysa iyo Golaha Deegaanka ee Sheffield.

Qodobadii ay maanta isla soo qaadeena waxa ka mid ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa Arrimaha Biyaha, Caafimaadka iyo kaabayaasha arrimaha bulshada ee dhinaca somaliland oo uu u gudbiyey maayar ku xigeenku maayarka Lod mayor of sheffield Mr. Talib Hussain, waxaanu balan qaaday in uu gacan ka geysan doono sidii golaha deegaanka caasimada hareysi u noqon lahaayeen kuwo xidhiidh toosi ka dhaxayn doono golihiisa kana caawin doonaan wixii la xidhiidha dawladaha hoose iyo kaabayaasha arrimaha bulshada ee ay ka wada hadleen maayar ku xigeenka sida biyaha, Caafimaadka IWM.12009780_839916339455554_2896334954986997248_n

sidoo kale waxa maayar ku xigeenka Hargeysa kormeer lagu geeyey dhawr goobood oo ay ka mid tahay Hool lagu magacaabo Mandela Holl iyo goobo taariikhi ah oo ku yaala Sheffield.

Kulankan uu maayar ku xigeenku ku joogo sheffield ayaa noqonaaya kulankiisi labaad isaga oo hore ula kulmay maayarkii ka horeeyey kan uu maanta la kulmay ee Mr Talib isaga oo mudane Cabdicasiis hore ula kulmay Lord Mayor of Sheffield, Councillor Vickie oo iyadu hore u hogaamin jirtay golaha deegaanka ee shiffield balse doorashadii golaha deegaanka Sheffield ay ku soo baxeen maayarkan danbe iyo golahan hada talada hayaa taas oo keentay in uu mar kale soo noolaado xidhiidhkii labada golle deegaan.12033060_839916236122231_7551772080259589757_n

Ugu danbayna waxa uu maayar ku xigeenku u mahadnaqay maayarka sheffield iyo golihiisa deegaanka ee sidii sharafta iyo milgaha lahayd u soo dhaweeyey una qaabiley, sidoo kalena waxa uu maayar ku xigeen cabdicasiis Cagaweyne uga mahadnaqay sheffield city council housing
aqoonsigii ay aqoonsadeen qaranimada Somaliland ee ay uga badheedheen una noqdeen golihii u horeeyey ee aqoonsada Somaliland kuna daydeen kuwo kale oo badani, nasiib wanaag maantana ay noqdeen golihii u horeeyey ee caawiya ama barbar istaaga golaha deegaanka Caasimada Hargeysa, waana wax lagu farxo oo ku dayasho mudan ayuu yidhi maayar ku xigeenku, sidoo kale waxa uu u sheegay in qof walba oo reer Somaliland ahi uu ku hamiyaayo wixii uu ugu abaal gudilahaa golaha deegaanka ee sheffield idiin hayaana karaamo iyo sharaf.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...