Somaliland: Wasiiradda Duulista iyo Hawlaha Guud Oo Xadhiga ka Jaray Mashaariic Horumarineed Magaaladda Laascaanood

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa dawladda hoose ee Laascaanood ku wareejiyay Gaadhi Dab-damis ah oo ka qayb qaadan doona gurmadka masiibada dabka iyo gaadhi uu yeelan doono isuduwaha Wasaaradda Duulista ee gobolka Sool.

12027650_880894508661278_8111906517717122410_n

Waxaa kale oo uu Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi isla maanta dhagax dhigay Terminal Casri ah oo loo dhisayo garoonka diyaadaraha ee Magalada Laascaanood.

Weftiga Wasiir Maxamuud Xaashi uu hoggaaminayo oo ay ka mdi yihii Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa waxaa kale oo ay kulammo la yeesheen madaxda laamaha dawladda ee heer gobol iyo degmo ee Gobolka Sool iyo degmada Laascaanood, waxaanay iska waraysteen waxyaabaha maamulka gobolka u qabsoomay iyo dar dar galinta hawlaha shaqo ee ay masuuliyiinta Sool iyo kuwa degmada Laascaanood qaranka u hayaan.

11988610_690476284386199_39447665843422322_n 12027671_880893268661402_6269604732507592698_n 12033142_690476737719487_6704192211955737263_n 11149476_690476604386167_9082270308436343287_n

Comments

comments