UK: Britain oo drone ku dishay muwadiniin u dhashay dalkaasi oo kamid ahaa ISIS

Date:

Dowlada Britain ayaa xaqiijisay inay weerar Drone ku dileen labo nin oo heystay dhalashada dalkaasi kana mid ahaa dhalinyaradii ku biirtay kooxda ISIS ee ka dagaalanta Ciraaq iyo Siiriya.

Reyaad Khan iyo Ruhul Amin oo la sheegay inay wada socdeen ayaa waxaa duqeyn ku dilay ciidamada Britain oo adeegsaday diyaaradaha meesha fog laga hago ee Drone, waana markii ugu horeysay oo weerar noocaan ah UK la beegsato muwaadiniinteeda la sheegay inay ku biireen kooxda ISIS.

Xubnaha ISIS ee la dilay ayaa horey usoo saaray filimaan internetka lagu shaaciyey oo ay xubnahaasi ugu baaqayeen dhalinyarada muslimiinta ah inay kusoo biiraan kooxdaasi xagjirka ah.

Labadan nin ayaa lagu dilay dalka Siiriya dhamaadkii bishii Agoosto.

Bishii Agoosto ayey diyaaradaha Maraykanka sidan oo kale ku dileen nin kale oo heystay dhalashada Britain oo lagu magacaabi jiray Junaid Hussain oo isagu ahaa khabiirka dhanka internet u qaabilsan ISIS.

Xukuumada UK ayaan ogolaansho ka heysan Baarlamaanka dalkaasi, walow Raysalwasaare David Cameron uu shalay Baarlamaanka ka horsheegay in hawlgalkan uu ahaa mid is-difaacid ah, maadaama buu yiri ragga la dilay ay qorsheenayeen weeraro ka dhan ah dalkooda.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...