Guddoomiyaha Hay’adda Maamul Wanaaga iyo La dagaalanka Musuq-maasuqa Somaliland Axmed Muxumed Madar ayaa shaaca ka qaaday in guud ahaanba maamulka ha’yadaha dawliga ah ee dalku uu Qalooco, isla markaana aanay hay’adu si buuxda u awoodin inay gudato hawlaha shaqo ee loo abuuray.
Axmed Muxumed Madar, waxa uu tilmaamay in ay ka hay’ad ahaan si weyn ugu dedaalayaan sidii loo toosin lahaa maamulka hay’adaha dawladda, hase yeeshee aanay weli ku guulaysan arrintaasi, taasina ay sabab u tahay rabitaan siyaasadeed oo wax lagaga qabto toosinta nidaamka oo aanay ha’yadaha dawladdu doonaynin.
Guddoomiyaha hay’adda maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq-maasuqa oo ay wehelinayaan xubno ka tirsan xafiiskiisu ay guddo jiraan kormeer shaqo oo ay ku marayaan gobollada barriga dalka oo xalay khadka telefoonka ugu waramayay DAWAN, isagoo ku sugan magaalada Burco.
Waraysigaasi aanu la yeelanay Axmed Muxumed Madar, waxa uu u dhacay sidan:
Su’aal: Maxay tahay ujeedadda socdaalkan aad ku maraysaan goboladda Barriga?
Jawaab: “Socdaalkani aanu wadnaa waa socdaal noo joogto ah, oo aanu qoondaysanay in aanu sanadkiiba saddex jeer goboladda dalka soo marno. waxaanay ujeedadiisu tahay oo uu isugu jiraa, kormeer, tababarro in aanu bixino, wacyigelin iyo arrimo kale. Waxaanay ujeedadayadu daaran tahay in aanu ogaano habka iyo hanaanka maamul ee ay hay’adaha dawladu u shaqeeyaan.Haddii ay tahay xukuumadda dhexe, goleyaasha degaanka maamulkooda iyo sida ay ugu adeegayaan bulshadii soo dooratay. Sanadkan 2015 waxaanu diiradayadda saarnay bulsho weynta iyo cidii ay soo doorteen, oo ah goleyaasha degaanka.
Inta badan waxa wakhtiga naga qaatay dawladda dhexe sidii hab-maamulkeedda wax looga qaban lahaa, inkasta oo aanay wax badani nooga suurtoobin, oo aanay sidii aanu doonaynay u fulin hadana kamaanu daalin ee intii awoodayadda ah waanu wadnay.
Socdaalkayagani aanu imika ku jirnaa waa kii 2-aad oo ka mid ah socdaaladii aanu qorshaysanay in aanu sanadkan samayno. Kii hore qaybaha bulshadda ayaanu la kulmaynay, waxaananu kala hadalnay doorka ay ku leeyihiin maamul wanaaga, iyagu waa loo adeegayaashii, goleyaasha iyo xukuumaduna waa kuwii u adeegayay. Markaa is-fahamka ka dhexeya iyo sida ay u wada shaqaynayaan, ama u soo dooranayaan ayaanu kala hadlaynay”.
Su’aal: Ayaa kugu wehelinaya socdalkan?
Jawaab: “Waa koox aan anigu hogaaminayo oo ay igala socdaan qaybaha uu Komishanka maamul wanaagu ka kooban yahay, qaybta maamul wanaagga, qaybta la dagaalanka musuqa, iyo qaybta wacyigelinta”.
Su’aal: Maxaad kala soo kulanteen ama ku soo aragtay goboladda aad soo martay xafiisyadda hay’adaha dawladda ee ka jira?
Jawaab: “Maamul-wanaaga dalku wuu ka siman yahay heerka ay ka taagan yihiin, ma kala horeeyo. meelahaa aanu soo marnay maamulkaasi qaloocani wuu ka jiray. Arrinta aanu daba socono ee aanu wacyigelinta ka samaynaynaa waa taa sidii loo toosin lahaa ee wax looga qaban lahaa. Markaa iyadoo kooban weli maamulkii wuu qaloocaa toosintiisiina waanu ku jirnaa kolay mudana way qaadanaysaa.
Waxaa xafiiskan loo abuuray in uu dabogalo habka ay masuuliyiinta xukuumadu u maamulayaan adeegyadda ay bulshadda u qabanayaan, taasina runtii waxay muujinaysaa haddii hay’adaha xukuumadu sidii la rabay u shaqaynayaan lama abuureen Komishankani.
Markaa waxa keentay qalooc laga dareemay, oo soo toxnaa ilaa iyo 1960-kii, oo la saluugsanaa toosintiisa, sidii wax looga qaban lahaa ayaa xafiiskan loo abuuray, kaasina weli muu toosin oo wuu qaloocaa. Laakiin waa lagu tallo jiraa in wax laga qabto. Waana markii u horaysay oo inta aynu ognahay maamuladii iyo xukuumadihii kala danbeeyay ee dalka soo maray Komishan noocan ah la abuuro”.
Su’aal: Mudadda shanta sannadood ah ee ay hay’adiinu jirtay, marka laga reebo in aad noqoteen hay’ad dawli ah oo cusub oo miisaaniyad leh, maxaa la taaban karaa oo aad waajibaadka la idiin abuuray ka qabateen?
Jawaab: “Horta waajibka la noo abuuray, markii lagu dhawaaqay Komishan wuxuu ahaa waajib sidii loo abuuray in awoodeeddana loo siiyo. Nasiib darro awoodahaasi Komishanku muu helin, oo kama helin xagga goleyaasha baarlamaanka iyo xagga xukuumaddaba. Markaa waxa wiiqay waxqabadkayagii awoodahayagii aanu doonaynay in lana siiyo, lanama siin.
Haddana iyadoo ay sidaas tahay kumaanu niyad jabin, ee wixii aanu ka qaban karaynay maamulkaa qaloocday in aanu ku toosino waanu u Guntanay intii karaankayaga ah. Waxay ku soo ururtay awoodayada in aanu warbixino ka diyaarino qaladaadka iyo dhaliilaha aanu aragnay, oo aanu raacinay wixii lagu toosin lahaa taasina waxaanu u gudbinaynay cidii noo igmatay hawsha intii dhinacyaga ahayd hawsha anagu waanu qabanay wax nagaga soo noqdayna ma jiraan.
Su’aal: Xeerkii hay’adda maamul wanaaga ee golaha wakiiladda la horkeenay halkee ayuu ku danbeeyay?
Jawaab: “Xeerkaasi wuu dhamaaday, waana la soo ansixiyay waxaanu noqday xeer aan awoodo badan lahayn, markaa kii ayaanu ku shaqaynaynaa imika”.
Su’aal: Ugu danbayn, waxaad sheegtay inay jiraan caqabaddo hortaagan in aad hawshiina sidii la rabay u gudataan, maxay yihiin caqabadahaasi?
Jawaab: “Marka aan soo ururiyo, caqabadda ugu weyn, waxa kale waa iyadoo la sii guddo galay uun, waxay tahay rabitaan siyaasadeed oo aan jirin, waayo rabitaanka ayaa wax walba ka horeeya wixii in la doonayo oo ay ka go’an tahay xukuumadda inay maamulkan qaloocana toosiso, musuq-maasuqana la dagaalanto, ayey tahay halkii laga bilaabayay. Markaa taas ayaan weli la go’aansan, oo maqan, mar haddii ay taasi maqan tahayna, awoodda aad ku shaqaynaysaa wa amid aan sidii loogu tallogalay u shaqaynaynin.”