Somaliland: Ururka SOLJA ayaa Tobabar u furay ilaa 50 Suxufi oo ka kala socda Gobolada Somaliland.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa tobabar socon doona mudo seddex cisho ah u furay ilaa 50 suxufi oo ka kala socda Gobolada Dalka.
Munaaasibada Furitaanka Tobabarkan oo lagu qabtay Hotelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qaybgalay Masuuliyiin ka kala socotay Wasaarada Warfaafinta iyo Hay’aha Madaxa Banaan ee Warbaahinta somaliland, Masuuliyiinta Ururka SOLJA iyo Taageeraysay Tobabarkan ee VIKES oo fadhigeedu yahay Finland.

Mr. Mahmoud Jama Ahmed, chairman of SOLJA speaking during the opening of the three days training on the principles of Journalism and Ethics

Furitankii waxa Khudbado kala gadisan ka jeediyey Gudoomiyaha Ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jamac iyo Wasiir ku xigeenka Wasaarada War Faafinta Marwo Shugri oo ku dheeraaday Ahmiyada ay Wariyeyaasha u leeyiin Aqoon iswaydaarsigani oo kale.

Veteran Finnish Journalist Mr. Peik Johansson, the Somaliland/Somalia program coordinator for VIKES,soljaDSCF5755-1

Comments

comments