Somalia: Tirada dadkii ku dhintey qaraxii Kismaayo oo gaadhay 25

Waxaa kordhey tirada dadkii ku geeriyoodey qaraxii shalay ka dhacay magaaladda Kismaayo oo ay masuuliyadeeda sheegteen ururka al-Shabaab.

Qaraxa ayaa lala beegsaday xarunta Jaamacadda Kismaayo oo ahayd goob lagu tababaro Ciidamada isku-dhaafka ee Dowladda Federaalka.

Saraakiisha Caafimaadka iyo ilo wareedyo kale ayaa ku waramaya in dad qabay dhaawacyo halis ah ay dhinteen xalay, waxaana tirada ay gaartey dhimashada guud ahaan 25-qof.

Dadka dhintey ayaa u badan askar tababar la siinayay, sida ay wararku sheegayaan.

Waxaa jira warar kale sheegaya in maamulka Jubba uu toogtey labo qof oo loo xirey weerarka kuwaas oo la sheegay in ay u fududeeyeen ninka watay gaariga lagu soo rakibay walxaha qarxa ee weerarka lagu fuliyey.

Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka ayaa cambaareeyay weerarkan, waxaana Wasiirka Gaashaandhiga sheegay in aysan saameyn ku yeelan doonin qorshaha dib loogu dhisayo Ciidanka qaranka.

Comments

comments