Somaliland: Cawil Oo Ka Hadlay Go’aankii Maxkamadda Sare, Madaxweynahana Kula Taliyay Inuu Kala Reebo Murashixiinta Xisbiga KULMIYE Ku Hirdamaysa

Date:

Wasiirkii maaliyadda ee xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin,, ayaa ka hadlay go’aanka ay maxkamadda sare ka soo saartay muddo kordhintii guurtida iyo loolanka murashaxnimo ee xisbiga KULMIYE ka dhex jira marka uu Madaxweynuhu mudadii dhammaysto.

Danjire Cawil, oo isagoo jooga magaalada Nayroobi ee dalka Kenya xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu ku baaqay in halkaas lagu joojiyo murankii siyaasiga ahaa ee taagnaa mar haddii ay maxkamadii sare go’aan ka soo saartay, waxase uu Madaxweyne Siilaanyo u soo jeediyay inuu xisbiyada u qabto kulan la isku bogsiiyo, si hore looga socdo.

“Mar haddii maxkamadii sare ay go’aan ka soo saartay murankii oo ay xalaalaysay muddo kordhintii guurtida sidaas lagu aqbalay ayay ku dhammaatay. Waa in iyadoo dalka loo danaynayo sidaas loogu hoggaansamay go’aanka maxkamadda sare lagu socdo, madaxweynuhuna waa inuu asxaabta isugu yeedhaa oo dabadeedna mudadu maba badna oo waa sannadee sidaas lagu shaqeeyo oo la dedaalo.

Siyaasaduna maaha cadaawad oo qofka cadaawad ka dhigaa isagaa khaldan ee waa in maanka taas lagu hayo. Waxaan aad ugu celcelinayaa inaan laga daba buuqin go’aanka maxkamadda sare oo niyad samidaas lagu qaabilay lagu dhammeeyo.”

Danjire Cawil oo la weydiiyay sida uu u arko loolanka aan saddexdii sannadood ee u dambeeyay marna hakan ee ku saabsan murashaxa xisbiga KULMIYE ee madaxweynenimo marka uu Madaxweyne Siilaanyo mudadiisa dhammaysto wuxuu yidhi

“Xisbi kasta muranka iyo khilaafku uma wanaagsana, weliba xisbul xaakimka in dhexdiisa murashaxnimo la isku qabsadaa waxay leedahay dhibaatadeeda. Adduunka xisbul xaakimku murashaxnimada iskuma qabsado oo marka hore ayaaba la isla ogyahay murashaxa.

UDUB hore isugumay qabsan, xisbiga Dimuqraadiga ee Maraykanku iskuma qabsan karaan murahaxa madaxweyne waayo haddii uu xisbul xaakimku is qabsado dhibteeda ayay leedahay oo wadanka ayay saamaynaysaa. Markaas waxa loo baahanyahay in Madaxweynaha oo ah odaygii xisbiga KULMIYE lala fadhiisto oo dabadeedna nin murashax ah lala soo baxo oo aan laga dhigin in lix nin halkaas ku tartamaan oo lagu kala yaaco.

Waa in albaabka la isu soo xidhaa oo madaxweynuhu u yeedho ragga tartamaya oo dabadeed go’aan la gaadhaa oo la yidhaahdaa waar kuma ayaynu maanta taageernaa oo daba fadhiisanaa. Laakiin haddii ay noqoto in gole weynaha la soo dhigo lix nin oo tartamaya oo ay dabadeed kala adkaadaan dhibteeda ayay leedahay, saamayna way ku yeelanaysaa dalka. Markaas waxaan soo jeedinayaa in ragga tartamaya kulamo hoose lagu kala reebo, mana qabo in lix nin shirka xisbiga ku dhex tartamaan, waayo dhaawac ayay taasi xisbiga ku keenaysaa.”

Wasiir Cawil, wuxuu ugu dambayn ka hadlay siyaasadda dibadda Somaliland, “xidhiidhka aynu caalamka la leenahay wuxuu mar walba ku xidhanyahay inaan qaddiyadda Somaliland daba-galno oo xoojino kana midho dhalino waana in taas xoogga la saaraa oo wasiirka khaarajiga iyo wixii wufuud ah ee raaci karaba xoogga la saaro.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...