Egypt: Qarax ka dhacay caasimada Qaahira

Waxaa habeenimadii Khamiista soo galeysay weerar bambaano lagu qaaday mid kamid ah xarumaha hay’adaha amaanka ee caasimada dalka Masar, Qaahira.

Qaraxa ayaa ka dhacay xaruntan ku taal waqooyiga Qaahira, waxaana la xaqiijiyey inay ku dhaawacmeen 25 qof oo ay ku jiraan askar Booliis ah. Qaar kamid ah dhaawaca ayaa la sheegay in dhaawacoodu culus yahay.

Illaa iyo hada cidna ma sheegan weerarkan bambaano waxaana magaalada bilihii lasoo dhaafay ka dhacayey qaraxyo, waxaana kamid ahaa weerar bishii hore lagu qaaday Qunsuliyada Talyaaniga oo uu ku dhintay hal qof, bishii kasii horeysay ee June ayaa weerar bambaano lagu dilay xeer illaaliyihii dalka Masar xili uu saarnaa gaarigiisa.

Comments

comments