Nigeria: Boko Xaram oo magaalo ay qabsatay ku dishay 150 rayid ah

Date:

Maleeshiyaadka kooxda xagjirka ah ee Boko Xaram ayaa weerar ku qabsaday magaalo ku taal gobalka Waqooyi ee Yobe halkaasi oo ay ku dileen shacab badan.

Dhimashada ayaa lagu soo waramayaa inay gaareyso 150 qof kuwaasi oo u badan shacabka ku dhaqan deegaankaasi. Boko Xaram ayaa la sheegay inay gebi ahaan jartay isgaarsiinta deegaankaasi, iyadoo ay adag tahay in xog dheeraad ah laga helo weerarkaasi ka dhacay gobalka Yobe.

Kooxda Boko Xaram ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay ku jiray dib u gurasho ay uga baxayaan magaalooyinkii ay heysteen kadib markii ay cadaadis militari kala kulmeen ciidamada dowladaha jaarka la ah Nigeria oo gudaha usoo galay waqooyiga dalkaasi.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayey soo baxayeen warar sheegaya in hogaamiye cusub xilka loo dhiibay kaasi oo lagu magacaabo Mahamdu Daud, balse hogaamiyihii Boko Xaram Abubakar Shakeu oo maalmo kahor soo saaray cajal maqal ah ayaa sheegay inuu weli isagu yahay hogaamiyaha kooxdaasi isla markaana sii wadi doono dagaalka.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...