Somaliland: Xildhibaannada Gobolada Awdal & Salel Ugu Jira Golaha Wakiillada Somaliland Oo Sheegay Inaanay Dib U Aqbali Doonin Saamiga Ay Golaha Wakiillada Ku Leeyihiin

Date:

Mudanayaasha golaha wakiillada Somaliland ugu jira gobolada Galbeedka Somaliland(Awdal iyo Salal), ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen Hargeysa waxay ku dalbadeen in madaxweyne Siilaanyo ka badheedho saami qaybinta gobolada dalka Somaliland ee xubnaha golaha wakiillada.

Waxay diideen in wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyo xeerkii lagu soo doortay golaha haatan sanadkii 2005-tii, iyagoo ku dooday inaanay dib golaha ugaga mid ahaan doonin tirada saamiga ay hadda haystaan.

Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa ku dooday in mudane kastaa deggaankiisa tiro badan la doonayo “Maanta (shalay) golahan wakiillada lagu qayb kari maayo saamiga golaha wakiillada. Nin baa degaan buu ka soo jeedaa, nin walba qummanidiisa ayaa qoorta u sudhan, wuxuuna u hadlayaa degaankiisa , xaqna wuu u leeyahay inuu degaankiisa u hadlo laakiin, Madaxweynaha qaranku(Head state-ku) isagaa ka masuul ah inuu qaybiyo xildhibaannada 82-ka ah, dee shalayba nin baa noo badheedhaye madaxweynaha waxaanu leenahay badheedh maanta oo caddaalad ku qaybi, anaguse 13 xildhibaan oo dambe ku dhex fadhiyi mayno golaha wakiillada, doorashana lagu gali maayo gobolka Awdal oo sanduuqyo la gayn maayo” ayuu yidhi Xildhibaanku.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa diidmo ka muujiyay hanaanka tirada codadka kala badan mudaneyaashu ugu soo kala baxaan “Illaa xal waara laga gaadho in anna aan Shan kun oo cod ku waayo Kursiga, Nin ila mid ahna Kun cod laba xildhibaan ku fadhiyaan umaddi waxay aqbali karto maaha, waana wax caddaaladda ka fog. Haddaanu qaranka ku dulqaadanaynay, haddaanu lahayn doorashadan baa citiraafka lagu helayaaye samra waa la kala heli wixii inagu kala maqane dee maanta way naga dhan tahay, maanta meel aanu dadkayagii ku marino. Anagu 13 xildhibaan oo dambe ku dhex fadhiyi mayno golaha wakiillada, doorashana lagu gali maayo gobolka Awdal oo sanduuqyo la gayn maayo” ayuu yidhi xildhibaan Axmed Yaasiin

Mudaneyaal kale oo sidoo kale shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in cod dheer iyo mid gaaban ba ku sheegayaan sidaanay u aqbali doonin in gobolada galbeedku wakiillada ku yeeshaan 13 mudane “Hawsha ugu horraysa ee xildhibaanku iclaamiyay ee ah xeerkii doorashooyinka ee golaha wakiiladda horyaala laguna murmayay beryahan oo madaxweynaha iyo gudoomiyaha goluhuna ay in badan ka waddahadaleen, ayna ahayd in la soo hordhigo kalfadhiga, wuxuuna ahaa qodobka ugu horreeya ee ajandaha. Qodobkaasi waa qodob xaasaasi ah oo in badan soo jiitamaayay, xukuumadihii kuwan ka horeeyayna ay in badan ka cago-jiideen, maadaama oo qodobkani yahay qodob xaasaasi ah, qodobkaasi waa qodob dhibaato keeni karra maanto.”ayuu yidhi xildhibaan isaguna madasha ka hadlay

Xeerkan oo haatan golaha wakiillada hor yaala ayaa la saadaalinayay in dib u eegistiisu keenayso muran badan oo ku saabsan saami qaybsiga deggaannada oo qaar badani saluugsan yihiin sida loo qaybiyay, waxaanay mudaneyaashani noqonayaan kuwii u horeeyay ee cabasho xooggan ka muujiyay.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...