US: Maraykanka oo balanqaad u sameeyey dalalka Khaliijka

Date:

Waxaa Isniintii shalay magaalada Dooxa ee dalka Qatar ka dhacay kulan ay wada yeesheen Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka John Kerry iyo Wasiirada Arrimaha Dibada ee dalalka Carabta ee Khaliijka (GCC).

John Kerry ayaa dadaal ugu jiray inuu ka dhaadhiciyo dalalka Khaliijka inay taageeraan heshiiskii bishii hore laga gaaray wadahadalkii Barnaamijka Nukliyeerka ee dalka Iran.

Maraykanka ayaa sheegay in dalalka Khaliijka aysan wax cabsi ah ka muujin qaadista cunaqabateynta saarneyd dalka Iran ee dhanka dhaqaalaha iyo militariga. Kerry ayaa sheegay in meesha laga saaray khatartii laga qabay in hubka Nukliyeerka ay sameysato Iran.

Dhinaca kale Maraykanka ayaa u balan qaaday inuu sare u qaadi doono tababarada uu siiyo ciidamada dalalka Khaliijka iyo hubka uu ka gado wadamada Carabta si ay ugu adkeeyaan amaankooda.

Qorshaha hubka lagu siinayo dowladaha Khaliijka ayaa waxaa kamid ah sameynta nidaamka gantaalada difaaca oo ka hortagi kara weerarada gantaalada.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...