Maxay Soomaalidu u jeceshahay madaxnimada siyaasadeed ?

Date:

Musuq (corruption), eex iyo qaraabo-kiil (Nepotism) iyo dhac (Embezzlement), kuwaas oo ah arrimaha la haray hannaanka dowladnimo ee ka jira waddamada soo koraya qaarkood. Waddamada ku yaal Afrika iyo Aasiya oo horumarka muuqda iyo xasiloonida ay ka jiraan sida: Rwanda, Singapore iyo  Malaysia waxaa u kacay hoggaan leh aragti suubban oo daacad ah. Waa hoggaan ka fogaaday musuq, eex iyo wixii la hal maala. Waa hoggaan u soo jeestey inuu si daacad ah u hago dadkooda una maareeyo hawlaha waddanka. Marka hore waxay dejisteen qorshe hagaagsan oo ay ka taliyeen dad aqoonyahanno ah, taas oo taabaneysa dhammaan dhinacyada nolosha bulshadeed dhaqaale, siyaasad, dhaqan, nabadgelyo, tacliin, caafimaad iwm. Dabadeed hir-gelintii qorshaha waxaa lagu fuliyey si ay ku dheehan tahay daacad iyo hufnaan.

Haddaba maxaa u diiday badi hoggaamiyayaashii hore ee Soomaalida iyo kuwa hadda jooga in ay waddadaa maraan? Maxey raadinayaan markay u tartamayaan jagooyinka sare ee dawladda? Jawaabtu waa sida soo socota:

Advertisement

(1) Hanti-boob:

Hoggaamiyaha Soomaaliga ahi waxa uu u hanqal taagaa maal uruursi. Tallaabooyinkiisa ugu horreeya waa inuu helo xeelad u suuragelisa inuu gacanta ku dhigo ilaha dhaqaale ee hey’adaha dawladda, iyadoo uu ku ammaansanayo kuwa la heyb ah ama la saaxiib ah.

(2) Hiillo qabiil:

Hoggaamiyuhu danta ummadeed waxaa kala weyn danta tolkiis. Mudnaanta koowaad waxaa u leh reerka uu ka dhashay iyo kuwa la heybta ah, isaga oo ideology ka dhigta hadba aragtida ay beeshu ka qabto siyaasadda  guud ee dalka. Wuxuu ku dadaalaa siduu u hubin lahaa in ay yeeshaan awood dhaqaale, mid siyaasadeed iyo mid bulsho. Tolkuna waxay markaas diyaar ula yihiin wixii awood ah (ciidan iyo dhaqaale) ee lagu ilaalinayey darajada uu u hayo qaranka. Sidaas ayaa beeshuna waxay u aragtaa in ay ku helayaan magac iyo mudnaan Soomaalida dhexdeeda ah. Waxaa xusid mudan in beeshu ayan markaas eegin heerka qarannimo ee Soomaalidu ay ka joogto ummadaha la dhigga ah.

Waxaa kale oo jirta awoodii dowladnimo hoggaamiyahan iyo beeshiisu in ay bililiqeystaan, dabadeed ay u adeegsadaan cadaadis iyo  colaad ku aaddan dhammaan beelaha kale iyo shaqsiyaadka aan hogaamiyahaasi heshiiska la ahayn. Waxba lagama sheegi karo madaxdaas iyaga ah oo reerkooda ayaa u heellan daafacooda. Waa tii Mudane Gaariye lahaa: “Markaad tuug duqeeysaba, Reer baa damqanaye ”.

Haddaba waxan soo uruurshay xog u badan musuqa lagu maleynayo badi hoggaamiyayaashii hore ama kuwa hadda jooga ee dawladda fadhida Xamar iyo kuwa ka hanaqaaday gobolada. 90% ka mid ah hoggaamiyayaashaa waxaa lagu eedeynayaa in ay xadeen hanti badan. Xogtaa oo lagu hadal hayo degmooyinka iyo tuulooyinka waddanka oo idil waxaa sii xaqiijeyey Kooxda Daba-galka (Monitoring Group) iyo Daah-furka Caalamiga ah (Transparency International). Labadan xafiis ayaa waxay soo saareen warbixin tifaf-tiran oo musuqa ka jira Soomaaliya ay kaga faalloonayaan. Yusur Abraar oo kamid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed, waxay ahayd madaxii hore ee Bankiga Dhaxe ee Soomaaliya. Iyadu waxay si qeexan u soo bandhigtey musuqa baahsan ee ka dhex jira dawladda dhexe ee uu odeyga ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxaa musuq qoto dheer ka taagnaa dhammaan dawladahii ka horreeyey dowladda hadda dhisan. Soomaaliya waxa halkan dhigay waa fasaad (corruption) kamid noqdey dhaqankii maamulka dowladnimo. Markaas ayuu wuxuu noqdey waxaan lala gabban oo lagu faano. Wax badan ayaynu aragnaa wasiir, maareeye ama khasnaji ay ka muuqato hanti fara badan oo aan u dhigmin mushaharka uu qaato. Waa guri qiimihiisu yahay dhowr milyan oo dollar, waa gaari qiimahiisu joogo inta uu mushaharkiisu yahay 5 sano, waa beer ama bogcado lagu qiimeeyey adduun dhan malaayiin dollar. War xaggee ka keentay hantidan? Qof oranayo ma jiro!

Arintaasi waa sababta uu qof kastaayi u doonayo xafiis dufan leh. Waa sababta uu siyaasi walba, isaga oo beeshiisii ay daba-joogto uu u doonayo in uu xil ka qabto  wasaaradda maaliyadda, wasaaradda qorsheynta, wasaaradda dibadda, wasaaradda gudaha iyo odeyga Bank-iga. Waa sababta uu qof walba oo shaqo-raadis ah uu u doonayo in uu xil ka qabto agaasinka lacagta wasaaradaha iyo hey´adaha, khasnajiga wasaaradaha iyo hey´adaha, maamulaha xarumaha lacag-qabadka ee dekadaha iyo garoomada diyaaradaha, dhul bixinta iwm.

Wacyiga ceynkaas ah wuxuu barbaarinayaa oo cayilinayaa ficilka musuqa furan ee aanan xadka lahayn, kaas oo loo adeegsanayo awooddii dowladda. Lacagta la boobayo ee dibadda loola baxayo. Mashaariicda la leexsanayo iyo shirkadaha sida qarsoon loola heshiinayo. Iibka lagu hayo dhulalkii dowladdu lahayd iyo eexda lagu bixinayo darajooyinka aanan la muteysan. Hantida sida khaldan loogu bixinayo maamul-goboleedyada, kuwaas oo qaarkoodna lagu dhisayo si aanan dastuurka waafaqsaneyn, qaarkoodna lagu burburinayo. Arimahaas iyo kuwa lamidka ah, hoggaankii dowladda ayay ka weecsheen tubtii dowladnimada, markaas ayay ku riixeen musuq iyo meel daran.

Hey´adda caalamiga ah ee daah-furka (Transparency International) waxay soo bandhigtey barbar-dhigga heerka musuq-maasuqa ee dowladaha adduunka. Baaritaankaas oo lagu beegey sanadkii 2014, ayaa nasiib darro Soomaaliya waxay noqotey waddanka ugu liita ee dowladdiisu ay ku dhaqanto musq-maasuq. Haddii aanu tusaale u soo qaadanno tobanka dal ee ugu hooseeya iyo Soomaaliya oo ah midda tobankaas ugu sii hooseysa, waxay ahaayeen sidan:

WADDANKA   HEERKA 
Soomaaliya iyo Kuuriyada Waqooyi 
Suudaan 
Afqaanistaan 
Koonfurta Suudaan 
Ciraaq 
Turkumeenistaan 
Usbekistaan, Liibya iyo Eriteriya 
Yemen, Feenisweela, Haayti, Gini- Bisaaw iyo Angoola 
Suuriya 
Burundi  10 

Musuqu waxuu is hortaagaa horumarka dalka. Wuxuu kordhiyaa faqriga, jahliga iyo caafimaad darrida. Waxa hadda joogto noqotay doorasho walba in codadka laga gato dhammaan xildhibaanada. Qiimaha iyo gor-gortanku waa bareer. Waxaa kaloo la ogyahay in  qurba joogta qaarkood ku tabarucaan kharajkaas. Xildhibaanka qudhiisa wuxuu soo laaluushay oday-dhaqmeedka soo magacaabay isaga. Taas waxa ay ka dhacdaa Xamar, Garoowe, Kismayo, Baydhaba, Hargeysa, iyo Cadaado. Sidoo kale waxaa loo joogaa B/weyne iyo Jowhar. Mooshin kasta waa laaluush urursi. Ogoow xildhibaanada laaluushka qaadanaya oo bixinaya codkooda waa kuwii loo igmaday inay dejiyaan shuruucda lagu hagi lahaa Soomaaliya !. Waa dabkii oo dhaxamooday! Waa dawadii oo bukootay! Waa biyihii oo harraaday! Waa (+) oo (–) isu rogtay.

Haddaba aynu is-weydiino, muxuu yahay xalku?

Madaxweynihii 11-aad ee Hindiya Cabdul-kalaam ayaa yiri “Haddii uu waddan doonayo inuu cirib tiro musuqa, waxaa ku aaddan hawshaa seddex xubin oo ka mid ah bulshada: waa hooyada, waa aabbaha iyo waa macallinka ” Waa in la diyaariyo istaraatijiyad-qaran oo lagula dagaalamayo musuqa (National Anti-corruption Strategy) taas oo arrimaha soo socda lagu falan-qeynayo:

  • In lagu dadaalo in la doorto madax aammin ah oo taariikh hufan leh. War-baahintuna waa inay ifiso musharax kasta oo isa soo bandhiga.Waa in murashaxiintu hor tagaan guddi wax-garad ah oo kala sifeeya kalana hufa.
  • In la dhiso gole guurti (Aqalka baarlamaanka sare) sida dastuurka ku qoran. Aqalkaasi wuxuu dhammeystirayaa go´aaamada barlamaanka.
  • In dambi lagu soo oogo dhammaan kuwa ku lugta leh cod gadashada doorashooyinka oo idil. Waa in si adag loo ciqaabaa laaluush bixiyaha, kan qaata iyo kan fududeeya. Waa in booliisku ay ogaadaan doorka looga fadhiyo.
  • Maxkamadaha iyo guddiga la dagaalanka musuqa waa in la hawl galiyaa.
  • Waa in dadweynuhu la xiriiraan guddiga iyo booliska markay la kulmaan xadgudub iwm.
  • Dhammaan hawlaha ku saabsan iibka dawladda (procurement) iyo shaqo qoristuba (recruitment) waa in ay cad yihiin (transparent) oo sharciga waafaqsan-yihiin.
  • Ciddii xadgudub la timaaddo waa in ciqaab adag la mariyaa.
  • Gacantaaga barlamaanku go’aamada ku qaadanayo oo dhaliyey musuq marar badan waa in la joojiyaa.
  • Shacabka, booliska, shaqaalaha dawladda waa in la tuso dhibka musuqu keeno iyo waajibaadka bulshada saaran.
  • Warbaahinta, dugsiyada, bulshada rayidka ah, iyo masaajiddana waa in loo adeegsadaa wacyigelintaas.

AUN Cismaan Yuusuf Keenadiid gabay uu Soomaalida ku waaninayay ayaa waxa kamid ahaa tixahan:

Maan-yaridu Soomaali waa meheraddeediiye
Maslaxaddeeda garan-weydey iyo marin ku toosnaaye
Macnahay ku noolaan lahayd maluhu siin-waaye
Maamuus la´aan lagu wadey moodayaan nolole
Miis-xumida heysiyo dulligu waw macaan yahaye
Maqsuud weeye badidood waxay mudanhayaan ceebe
Muslinnimada sida loo mudmudi kama maseyraane
Maqaam-xumida waxa joojey waa muran dhexdooda ahe
Iyageysu muuqana hayee moog adduunyada´e
Murtidey lahaayeen diliyo magaca kooda ahe
Muwaafaqo kolkii laga gafaa mowtigood galaye
Anigaa ku mira dhaama baa meleg u saaraaye
Macrifo uma yeeshaan wuxuu baran masaalkoode
Macaamilada aadmigu ku jiro laga madoobeeye
Martabadda aduunkiyo cilmiga umaba muuqdaane
Raggay madaxdu ka xumaato waa marin habaabaaye
Kuwa muqaddimada looga dhigey waa manfaca doone
Mar maxaad cuntaa keliya buu yahay muraadkoode
Nin mushaharo eexeynayaa waa miskiin dhab ahe
Muddeec waxa ka dhigey waa inuu maarmi-waa yahaye
Mudaafacana seeg iyo inuu maya yiraahdaaye.

Qore: Sharma’arke Samatar.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...