Somaliland: Wasiirka Madaxtooyadda Oo Soo Bandhigay Inta KM Ee Ka Dhismay Jidka Ceerigaabo

Date:

Wasiirka wasaarada Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka mid ah weftiga Weftiga Madaxweyne Siilaanyo ee socdaalka ku maraya gobollada Barriga dalka, ayaa sheegay in dhismaha jidka Ceerigaabo uu yahay imtixaankii ugu weynaa ee dhinaca waxqabadka ee dawladda Somaliland gasho mudadii ay jirtay.

Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu sheegay in lagu guulaystay dhammaystirka in ku dhow kala badh mashruuca dhismaha jidka isku xidhi doonaa Sanaag iyo Togdheer oo uu ku tilmaamay in uu ahaa tijaabadii ugu adkayd ee qaranka Somaliland galo abid.

Jidka-ceerigaabo
Wasiirku waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal uu kaga hadlay arrintaasi iyo qodobbo kale oo uu ku baahiyay bartiisa internetka ee guusha.com, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Waxaa maalmihii u dambeeyey soconayey weftigii uu hogaaminayey Madaxweynaha JSL Md, Axmed Maxamed Siilaanyo ee kormeerka shaqo ku marayey gobolada barriga Somaliland. Haddaba, weftiga oo maalmo ka hor ka soo laabtay gobolka Sool ayaa soo gaadhay gobolka ugu weyn JSL ee Sanaag oo laga hirgalinayo mashruuca ugu weyn dalka.

Mashruuca dhismaha jidka isku xidhi doonaa Sanaag iyo Togdheer oo ahaa tijaabadii ugu adkayd ee qaranka Somaliland galo ayaa waxa Illaahay loogu mahad naqo ah in guushiisii waxyar ka dhiman tahay oo maantaba ku dhawaad 150Km diyaarsan tahay kuwaas oo isugu jira in laami ah iyo in ku jirta diyaarinta wejigii ugu dambeeyey,Wuxuu ahaa imtixaan ay ku kala baxeen inta Somaliland dhuuniga u dhex joogta iyo inta dhaqasho ugu dhabar jabtay.!

Waxay ahayd tijaabo iyo wakhti uu fulaygu shakiyey balse geesiyadu geella baxsheen waliba ugu yaraan kalmad wanaagsan deeq uga dhigeen shacabka reer Sanaag ee sanadaha badan jid la’aantu go’doonka ka dhigtay,waxaase nasiib darro ah in dadka qaarkood ugu yaraan kalmad wanaagsana u quudhi waayeen maalintii adkayd.

Waxaa amaan iyo bogaadin mudan shacabka xoolihii ay dhaqanayeen jidka ku daray iyagoo soo nooleeyey dareenkii ahaa iskaa wax u qabso kuwaas oo tusaale fiican u ah isku duubnida shacabka iyo xukuumada jidka horumarka cagta u saartay.

Waxaa xusid mudan in ujeedada shacabka loo waydiinayo qaadhaanka jidku aanay ahayn in xoolaha nool iyo lacagtuba wax badan jidka ka dhisi karayaan balse ay tahay in la abuurro jawi qofka muwaadinka ah dareemo in uu dalkiisa wax gashanayo taasi oo xoojinaysa lexejeclada uu dalkiisa u hayo.

Waxaa xasuusin iyo farxad mudan in maanta dhammaan intii daamur geli lahayd jidku diyaar tahay sidoo kalena ugu yaraan lix dhaggax burburiye “Crushers” ay ku rakiban yihiin buuraha kuwaasoo isugu jira qaar Wakaaladda horumarinta waddooyinku leedahay iyo kuwo dad shakhsi ah leeyihiinba.

Waxaa hubaal ah in maalin dhow inta yar ee ka dhiman jidku dhammaan doonto sidoo kalena noqon doonto guul guud ahaanba qarankeenna u soo hooyata waxaan aaminsan nahay in Wixii Rag u Kaco Rabbina aqbalo haba ragee uu rumoobo.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...