Somaliland: Maxakamadda Dastuuriga Ah Oo Ogolaatay Shirka Mucaaradka, Kana Reebtay Qabashada Shir Qaran

Date:

Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa go’aamisay in Asxaabta mucaaradka ahi xaq u leeyihiin qabsashada Shirar u gaar ah, balse waxay ka reebtay qabashada shir aayo ka tashi qaran oo asxaabtu hogaamiso. Maxakamadda ayaa sheegtay inaan xeerarka dalku Ogolayn shir Qaran oo aanay hogaaminayn goleyaasha qaranka sida golaha xukumadda iyo golaha baarlamaanka.
Kulan galinkii hore ee Khamiista ka dhacay xarunta Maxakamadda sare ee Somaliland waxaa goob joog ka ahaa hogaanka xisbiyada iyo xukumadda, waxaana lagu shaaciyay go’aanka dacwad asxaabta mucaaradka ahi shalay u gudbiyeen maxakamadda oo ay kaga cabanayeen go’aan wasaaradda daakhiliga iyo taliska boolisku kaga hor istaageen shir asxaabtu qabsato.
Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde, ayaa go’aanka kadib sheegay inay aqbaleen go’aanka maxakamadda islamarkaana fulinayaan. waxa uu sheegay in asxaabtu hadda fasax u haysato qabsashada shir u gaar ah oo ay arrimahooda kaga hadlaan.
Dhanka kale hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka ah, ayaa iyaguna soo dhaweeyey tallaabadan, waxaana ay ku tilmaameen mid geesinimo leh oo uu si cadaalad ah u xukumay guddoomiyaha Maxkamadda sare Pro.Aadan Xaaji Cali.
Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro, ayaa sheegay in go’aankani yahay mid dhiiri galinaya asxaabta mucaaradka ah islamarkaana kalsooni ku siinaya in murannada ay maxakamaddu si caddaalad ah uga gar naqayso.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...