Somaliland: Isbahaysiga Mucaaradka Oo Ku Dhawaaqay Shir Qaran Oo Xukumaddu Hore Uga Digtay

Date:

Isbahaysiga Mucaaradka Somaliland ayaa wada jir ugu dhawaaqay qabashada shir talo qaran kadib markii ay jawaab ka waayeen Madaxweyne Siilaanyo oo ay hore ugu diraan dhambaal nuxurkiisu ahaa inuu hirgaliyo heshiiskii xisbiyada ka hor July 20, 2015.

Wasiirka arrimaha gudaha Cali Warancadde, ayaa dhawaan Mucaaradka ugu baaqay inay ka soo qayb galaan wadahadal lala furi doono Guurtida si looga dhaadhiciyo hirgalinta heshiiska, waxaanu mamnuucay oo meesha ka saaray in dalkan uu ka dhaco shir qaran oo kale.

Musharax xigeenka Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan, oo saxaafadda la hadlay kadib kulan dhex maray Ucid, Waddani iyo Madasha wadatashigu waxa uu sheegay in la ila afgartay Shir “Shirka maanta (shalay) la isugu yimi waxaa ka soo baxay in la qabto shirka wadatashiga mucaaradka oo ah, oo aanu u aragno shir qaran maadaama aanu nahay xisbiyada qaranka. Waxaa la isla gartay tirada ergooyinka shirka iyo tirada shirgudoonka shirka iyo waliba ajandaha shirka” ayuu yidhi Mudane Cabdirashiid.

Mudane Cabdirashiid Xasan Mataan waxa uu sii sharraxay nuxurka shirkaasi “Nuxurka shirka, shirku wuxuu qabsoomi doonaa 23-ka,25-ka iyo 26-ka bishan todobaad ee aynu ku jiro, 2015. Maadaama xukumaddu ku fashilantay qabashada doorasho aan dhaafin wakkhtigii dastuurku u cayimay ee ku eekayd 26,June,2015, maadaama xukumaddu ka baxday heshiiskii laga gaadhay wakhtiga doorashada, maadaama muddo xileedkii dastuurku siiyay xukuumaddu dhammaanayo 27,July,2015, maadaama ay lagama maarmaan tahay in qarankani ku dhaco mugdi hogaamin la’aaneed, waxay lagama maarmaan u arkeen asxaabta qaranku inay iskugu yimaadaan shirka ay kaga tashanayaan badbaadinta dimuquraadiyadda iyo badbaadada qaranka Somaliland”.

Codka Somaliland

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...